WararkaWaxbarashada

Imitxaankii Dalladaha ee Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya oo Maanta Si Rasmi ah u Soo Gabagaboobay

Imtixaankii Dalladaha ee Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ka socday ayaa maanta si rasmi ah loo soo gababeeyay.

Ustaad Cabdiraxmaan Sheekh Yusuf Ugaas Faarax oo ah maamulaha Guud ee Iskuulka Imaam Maalik oo aan la xiriiranay ayaa noo xaqiijiyay in maanta ay si rasmi ah usoo gabagabeeyay imtixaankii dallada Waxbarashada Ahliga ah ee FPNS.

Ustaad Cabdiraxmaan waxa uu noo sheegay in xarunta “Imaam Maalik” ay ahayd xaruntii iskuulaadka ugu tirada badan ay imtixaanka ku galeen:

“Imtixaankii si wanaagsan ayuu noogu soo gabagaboobay, xaruntan ilaa 14 iskuul oo isku dhaf ah iyo arday gaareysa 543 oo arday ayaa imtixaanka ku galay, kursina waxba nagama noqon, maanta waxaa la galay maadada Physics-ka ah oo horey u baaqatay.”

Mar aan wax ka wediinnay haddii uu jiro imtixaanka dibadda u baxay iyo qish ay ardaydu heleen haddii uu jiro ayaa waxa uu ku jawaabay: “Haa imtixaan dibadda u baxay wuu jiray oo qishkiisa ay ardaydu heleen laba maalmood oo Axaddii ay ugu horreysay laakiin maaddooyinkii waa la bedelay, khaladkiina dib baa laga saxay oo imitixaankii si wanaagsan ayuu noogu soo dhammaday.”

Si kastaba, waxaa maanta lasoo gabagabeyay inta badan imtixaankii dalladaha waxbarasahda dalka oo ka qabsoomay min Gaalkacyo ilaa Kismaanyo ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Maandeeq FM

Related Articles

Close