WararkaWaxbarashada

Maamulaha Cusub ee NASA oo Farriintiisii Ugu Horreysay Jeediyay: Waxaan Beegsan Doonnaa Dayaxa!

Jim Bridenstine oo ah agaasimaha cusub ee hay’adda cirbixiyeenka Mareykan ayaa maanta khudbaddiisii ugu horreysay ka hor jeediyay shirka wakaaladda.

Farriintiisu waxay ahayd mid fudu: “Waxaan gaari doonnaa dayax!”, khudbaddiisa waxa uu ku sheegay iney beegsanayaan meesha ugu dambeysa ee la gaari karo, waa wadada dayaxa dib inoogu celin karaysa waa si aan u daahrogno waxyaabo badan oo looga faa’idaysto mustaqbalka fog.

Waxa uu ku baaqay in hal-abuur gacansi lala yimaaddo si tijaabooyinka iyo alaalabaha yaryar dayaxa loo gaarsiiyo, waxa uu tilmamay in la kordhin doono awoodaha wadaniga ah ee lagu fulinayo qorshayaasha Mareykanka ee dhanka hawada sare.

Waxa uu hadalkiisa ku daray: “Waxaan ka faa’idaysan doonnaa awoodaha dadka hal-abuurka leh, si aan u dhisno awoodaha cirbixiyeenka Mareykanka oo dib noogu celin karta dayaxa iyo meelo ka fogfog ee nidaamka qorraxda oo uu ku jiro Mars.

Waxa uu qirtay iney jiraan caqabado hortaagan NASA si ay mar kale dib ugu laabtaan dayaxa kadib mashruucii Apollo, waxa uu sheegay in waxa ay doonayaan uu markan ka gadisan yahay qorshihii hore.

Waxaa xusud mudan, in sanadkii 1989 uu George Bush madaxweynihii hore ee Mareykanka uu ku dhawaaqay mashruuc hawada sare lagu daahrogayo oo yool fog leh, loogana golleeyahay in hawada sare macluumaad badan looga keeno.

Maandeeq FM

Related Articles

Close