arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

“Milix Jecle” oo Tuulo Yar oo Ku Kacday 1 Milyan oo Dolar Ka Dhisay Magaaladii Uu Ka soo Jeeday… Waxaa Ku Jira Dhismaha Masaajid iyo Mac’had Qur’aanka Lagu Barto

Kuugga caanka ah ee reer Turkey Nusret oo loo yaqaanno “Milix jecle” ayaa gobolkii uu ka soo jeeday ee waqooyi bari dalka Turkiga, gaar ahaan  magaalada Erzurum ka aasaasay tuulo yar oo ka kooban masaajir, mac’had  Qur’aanka lagu barto iyo guriga martida loogu talagalay.

Sida ay qortay jariidada Hurriyet ee gudaha Turkiga ka soo baxda, tuuladan yar ayaa dhismaheeda la bilaabay 2017,  bil ka dib dhismaheedu wuu dhameystirmayso oo Ramaadaan ka dib ayaa xarigga laga jarayaa.

Tuuladana ayaa dhinac kastaba si aad ah looga qurxiyay, halka minaaradda masaajidka ay gaareyso 17 mitir oo marmar/mutileel ah , xitaa dayrka dibadda waxaa laga dhigay mutuleel.

Tuuladan ayaa badka ay ku fadhidaa uu gaarayaa 5-kun oo mitir oo iskuweer ah, halka kharashka ku baxay uu gaarayo 4.5 oo liraha Turkiga ah waa lacag ku dhow halmiyan oo dolar.

Nusret aasaaska koowaad ee tuulada waxa uu dhagax dhigay sanadkii 2017, shir jaraa’id oo uu ka soo qaybgalay aabihii oo 65 jir ah, shaqsiyaad sarsare oo ka tirsan xisbiga Cadaaladda iyo horumarinta ee maamula dalka Turiga iyo 300 qof oo kale oo lagu casuumay.

Waxaa la filayaa in dhismayaasha xarigga laga jaro maalinta labaad ee ciidul-Fidriga soo aaddan.

Waxaa xusid mudan, Nusret waxa uu ku dhashay magaalada Erzurum ee gudaha dalka Turkiga sanadkii 1983, waxbarashadiisii ma aanuu dhameysan lacag yari ba’an oo qayskiisa la soo gudboonaatay awgeed, waxa uu ku shaqaystay kuugnimo iyo cunto karin uu ku helay caanbax heer caalami ah, wadada u gaarka ah ee uu cusbada/milixda cunnada ugu daro darteed, waxaanuu si wanaagsan dunida uga caanbaxay sanadkii 2017.

Maandeeq FM

Related Articles

Close