WararkaWaxbarashada

Dhag Lagu Beeray Gacanta Askariyad Mareykan ah

Askariyad u dhalatay dalka Mareykanka oo shil gaari ku dhaawacantay sanadkii 2016 kuna weyday dhagteeda bidix ayaa dhag cusub loogu beeray gacanta si loogu sameeyo qalliin dhagteeda dib loogu dacayctirayo.

Sida ay qortay jariidada Telegraph, dhakhtarka qalliinka fuliyay oo la yiraahdo William Beaumont ayaa ka tirsan isbitaalka ciidanka ee El Paso, Texas, waxa uu dhag cusub ugu beeray gacanta askariyadda la yiraahdo Shamika Burrage.

Burrage waxay tiri: “Nafis kuma aanan dareemin, gaar ahaan marka dhag lagu beerayo haraggaaga hoostiisa, muuqaalku waa mid tashuush badan ku furan yahay. ma jeclaysan in aan galo qalliinka dib u dacaytirka dhagta.”

Waxay hadalkeeda sii raacisay “Laakiin arrinkan aad ayaan uga fakaray, waxaa ii soo baxday in shay wanaagsan ay noqon karto, si ay bedel fiican ugu noqoto dhagtii aan ku waayay shilka, arrintan ayaan qoomameynta iskugu samar siiyaa, waxaa dhici karta inaan helo dhag aan ka ag-fogeyn tii aan shilka ku waayay.”

Burrage gaariga ay shilka ku gashay ayaa waxay ugu kala socdaaleysay Mississippi ilaa Texas iyadoo qof qaraabo la ahaa uu la socday labo sanno ka hor, waxaa ka qarxay taayirka hore, gaariga ayaa kala soo dhacay meel dhulka ka sarreysa 700 feet dhowr jeerna la gadgadoomay.

Askariyaddan waxaa dhaawac ka soo gaaray dhanka madaxa iyo lafdhabarta, waxayna ku wayday dhagteeda bidix oo gebi ahaanba ka go’day.

Maandeeq FM

Related Articles

Close