WacyigelinWararkaWaxbarashada

Ha Ku Soo Celcelin Gudaha Shaqada… Jumladda Ugu Khatarta Badan ee Dhibaatada Ku Ah Mustaqbalkaaga

Inaad ka cudaddaarato khalad aad gashay waa wadada ugu dhakhsiyaha badan ee khilaafka lagu xallin karo, iyadoo aan ognahay inaaney dadka qaar u sahlaneyn iney ku dhawaaqaan oo afkooda laga maqlo, caado ahaan ma dhib badna, laakiin raad mug leh ayay dadka ku reebtaa.

Aaron Lazare oo ka tirsana jaamacadda Massachusetts ahna alifaaga buugga “On Apology“, ayaa waxa uu leeyahay caado ahaan cudaddaarka waxa uu reebaa xirir aad u wanaagsan oo mug leh oo laga yaabo inuu labada qof dhex maro”.

Amy Ebesu Hubbard oo daraasad sameysay sanadkii 2013, ayaa waxay leedahay waxaa dhici karta in cudaddarku uu abuuro jawi is af-garad oo aad u wanaagsan, laakiin in qofku uu ku soo celceliyo erayga “waan ka xumahay” waxay keeni kartaa natiijooyin aan la mahadin dhanka gudaha shaqada.

Amy waxay caddaysay in la badiyo erayga “Waan Ka Xumahay” ay keeni karto in qofka ay dhagtiisa ku duulaysaa uu arko mid aan run ahayn marka lagu soo celceliyo.

Waxay tiri: “Haddii aad cudaddaarkaagu uu badan yahay, arrintu waxay isku bedelaysaa in si gaar ah lagaaga shiro, gaar ahaan marka aad isku dayayso inaad khaladkaaga saxdo, taasi maaha istaatiijiyada mihnadeed oo wanaagsan, dhibaato aadan filayn ayay kuu keenaysaa.”

Hadaba, si aad uga fogaato ku soo celcelinta erayga “Waan ka xumahay” si natiijadiisa taban aad uga fogaato, waxaa jira 10 jumladood oo lagu bedelan karo xilliga shaqada.

10 Jumladood ee Bedelka Fiican u Noqon Kara “Waan Ka Xumahay”

1- “Waan khaldamay… ma doonaysaa siday wax u dhaceen inaan kuu sharraxo mise tallaabo degdeg ah oo aan khaladka ku saxayo ayaan qaadaa.”

2- “Sidani iney dhacayso kuma fakareyn..laakiin waxaan arkay in natiijadan ay ka dhalatay”.

3- Waxaan jeclaan lahaa iney waxwalbaaba hagaagaan…. Laakiin marka soo aaddan waxaan sameyn doonaan….

4- Waxaan arkaa inaan sameeyay… adigana aad hadda dareemayso.. maxaan sameeyaa si aan khaladka u saxo.

5- “Mahadsanid waxaad igu baraarujisay khaladkeyga. Sidan ayaa lagu sixi karaa.”

6- “Khaladka waan galay, mana doonayo inuu soo noqnoqdo, maxaan sameeyaa si aanan mardambe ugu dhicin?

7- “Waxaan dareemayaa murugo khaladkii aan galay, waan qadarin lahaa haddii aad i siiso fursad aan ku saxo.”

8- “Mar kale uma laaban doono, waana kuwan tallaabooyinka aan qaadayo si aanan mar kale ugu laaban.”

9- “Kuma fakarin/si sax ah ayaan u qorsheeyay. Sidan ayay wax iiga hoos baxeen, waayo aragnimadan ayaanan ka korosaday.”

10- “Sida ay wax u dhaceen waan arkaa, waxaan qaadanayaa mas’uuliyadayda si dhameystiran.”

Maandeeq FM

 

Show More

Related Articles

Close