WararkaWaxbarashada

Jaamacadda “Harvard” oo Ka Doodaysa Ra’yi Cilmi ah oo Ka Soo Yeeray Sheekh Sucuudiyaan ah 62-sano Ka Hor

Shir caafimaad oo ay soo qabanqaabisay Jaamacadda Harvard ayaa lagaga dooday “Geerida maskaxda iyo tabarucaadda xubnaha qofka”, iyadoo lasoo hadal qaaday ra’yiga Sheekha Sucuudiyaan ahaa  ee la oran jiray Cabdiraxmaan al-Sacdi oo mas’aladan ka hadlay 62 sano ka hor buugaagna ka alifay.

Sheekh al-Sacdi ayaa banneeyay in xubnaha qofka la tabaruco kadib marka uu geeriyoodo, waxa uu arrintan ka alifay kitaab uu uga hadlay ra’yiga sharciga ah ee ku saabsan arrimo casrigan khuseeya inta aanuu dhiman ka hor 1956.

Musaacid binu Cabdillaahi al-Sacdi oo ah wiil uu awoow u yahay ayaa wakaaladda Wararka ee Sucuudiga u sheegay in buugaagtii uu awoogii alifay ee dhanka shareecada Islaamka uu lagu tarjumay luqadaha Ingiriiska, Faransiiska, Ruushka, Turkiga iyo Indonesia.

Axadda soo aaddanna la soo saarayo App cusub oo ay ku jiraan mu’alafaatkii Sheekh al-Sacdi oo gaaraya ilaa 96 kitaab ayna ku jiraan 30 kitaab oo markii ugu horreysay la faafinayo iyo safxado gaaraya ilaa 20-kun oo safxadood oo loo uruuriyay hab electronic ah oo computer-ka waafaqsan.

Maandeeq FM

Show More

Related Articles

Close