WararkaWaxbarashada

Madaxweyne “Gaas” oo Si Rasmi Ah u Daahfuray Imtixaankii Shahaadiga ee Puntland… 15 kun oo Arday oo u Fariisatay

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray imtixaanka shahaadiga ee dugsiyada sare iyo dhex ee sanad dugsiyeedka 2017/18.

Madaxweynaha Gaas oo ay la weheliyaan Wasiirka Waxbarashada Puntland Abshir Aw Yuusuf Ciise iyo saraakiil  ka tirsan madaxtooyada Puntland ayaa waxay booqasho ku gaareen dugsiga sare ee Gambool ee magaalada Garoowe waxayna halkaa si rasmi ah uga daahfureen imtixaanka.

Sida uu carrabka ku dhuftay Wasiirka Waxbarashada Puntland  Abshir Aw Yuusuf, waxaa maanta imtixaanka shahaadiga ah u fariistay 15 kun oo arday oo ku galshay imtixaanka illaa 100 xarumood oo ku kala yaalla deegaannada kala duwan ee Puntland.

Madaxweyne Gaas oo ardayday hadallo kooban u jeediyay ayaa waxa uu u rajeyay guul, hadalkiisii waxaa ka mid ahaa:

“Dad waxbartay baa guul iyo horumar gaara, idinkana waan idinku ammaanayaa in aad labo iyo toban sano aad soo daadaaleyseen, idiinkoo aan imtixaankii gelin baad tihiin dad guuleystay mar haddii aad imtixaankii diyaar u tihiin, waxbarashadu halkaan kuma eka jaamacad baa idin sugaysa intiinna fursad u hesha, waxaan idiin rajeynayaa guul.”

Si kastaba, Puntland ayaa qaybo badan oo gobollada dhexe iyo Koonfurta Soomaaliya ah waxay uga duwan tahay in hal imtixaan oo midaysan laga qaado deegaannadeeda, halka gobollada kale ardayda laga qaado labo ilaa saddex imtixaan oo kala duwan, iskuulka, dalladda iyo Dowladda Dhexe!.

Maandeeq FM

Related Articles

Close