arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Aroos Isku Bedelay Janaaso

Aroos ayaa waxa uu isku bedelay Janaaso kadib markii labadii qofood ee isla aqal geli lahaa ay ku dhaceen shil gaari saacado yar un ka hor xilligii farxadda arooskooda loo ballansanaa.

Sida ay qortay jariidada “Metro”, Luana Aves 36 jir ah  iyo Rodrigo Nogueira oo 31 jir ah ayaa waxay u ballansanaayeen 11 subaxnimadii Sabtida iney isku guurasadaan kaniisad u dhaweyd Passos oo ku taalla Koonfru bari dalka Brazil.

Laakiin saacado yar un ka hor guurkooda ayaa waxay ku dhaceen shil gaari oo dhimashoodu ay ka dhalatay, waxay ku socdeen wadadii ay guriga ay dib ugu laaban lahaayeen, si ay u diyaariyaan tallaabadii ugu dambeysay ee maalintooda guurka.

Booliska ayaa waxay sheegeen in gaariga lamaanahan arooska uu ku dhacay mid kale, xilli uu Rodrigo isku dayay inuu dhaafo gaariga kale wadada xawaaraha lagu maro ee 184 ee gudaha dalka Brazil.

Shilka ayaa waxa isla markiiba ku dhintay Luana iyo darawalka gaarigii ay isku dheceen, halka Rodrigo uu u geeriyooday dhaawicii soo gaaray gudah Isbitaalka oo loola cararay.

Jariidada waxay sheegtay in qaraabadii iyo asxaabtii arooska uga yimid meelo fogfog ay ka qayb galeen janaasadooda, oo Sabtida duhurkeedii dhacday, waxaana lagu sagootiyay oo janaasadooda la geeyay isla kaniisaddii ay doonayeen iney isku guursadaan.

Maandeeq FM

Show More

Related Articles

Close