CaafimaadkaWararkaWaxbarashada

Daraasad: Tubaakadu Waxay Aadanaha Uga Khatar Badan Tahay Cocaine-ta

Daraasad cusub oo ay sameysay Jaamacadda London ayaa lagu ogaaday in Tubaakada iyo alcohol-ka ay yihiin khatarta ugu weyn ee dhibaatada ku ah caafimaadka aadanaha marka loo barbardhigo balwadaha kale ee mukhaadaraadka ah.

Sida lagu sheegay daraasadan  tubaakada waxay keentaa 110 xaalad geeri ah 100-kun ee kasta, halka alcohol-ka 33 xaalad geeri ah ay keento boqolkii kun ee kasta, cocaine dadka u geeriyoodaa waxay gaarayaan 6.9 boqolkii kun ee kasta(6.9/100kun).

Sida ay qortay jariidada “Daily Mail“, Daraasaddan ayaa lagu sheegay in Shantii qof ee kasta ee qaangaar ah qof ka mid ah uu alcohol-ka si xoog ah u isticmaalo ugu yaraan bishiiba mar.

Daraasadda waxaa sidoo kale lagu sheegay in dadka cocaine-ta istcmaalaa ay gaareen sanadkii hore 0.35%, 12 bilood ee la soo dhaafay.

Natiijooyinka daraasaddan laga gaaray ayaa waxay ku tiirsanaayeen xog ay uruuriyeen W.H.O, xafiiska Qaramada Midoobay ee arrimaha mukhaadaraadka iyo dambiyada.

Arrintan ayaa imaaneysa kadib markii bishan la faafiyay muuqaal argagax badan oo muujinaya dhibaatada sigaarku u gaysto sambabka aadanaha.

Maandeeq FM

Related Articles

Close