WararkaWaxbarashada

Galmudug: 26,349 Arday oo Sanadkan Imtixaanka u Fariisaneysa

Wasaaradda Waxbarashada Dowlad-goboleedka Galmudug ayaa shaacisay tirda ardayda u fariisaneysa imtixaanka sanad dugsiyeedka 2017/18.

Wasiru- dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Galmudug Burhaan Warsame Cigaal oo shir jaraa’id qabtay Khamiistii ayaa sheegay in sanadkan ardayda reer Galmudug ee Imtixaanka u fariisanayasaa ay Guud ahaan tahay 26,349 (Lix iyo Labaatan Kun, Saddex boqol afartan iyo Sagaal).

“Dowlad goboleedka Galmudug dhammaan ardayda reer Galmudug ee sanadkan Imtixaanka u fariisaneysa tiradooda guud waa 26,349 arday oo iskugu jira foun four iyo Glass 8 ardayda ka baxaysa iyo inta kale ee u fariisaneysa iney ka gudbaan fasal una gudbaan fasal kale.”, ayuu yiri wasiiru-dawlaha Waxbarasahda Galmudug

Wasiirku-dowluhu waxa uu sheegay in sanadkan dugsiyada sare ee ku yaallo Galmudug ay ka qalin-jabinayaan 1,216 arday oo dugsiyad sare ah, halku dugsiyada dhexe ay ka qalin-jabinayaan ardey gaareysa 1,943 ardey:

“Waxaan rabnaa inaan la wadaaagno reer Galmudug gaar ahaan bahda waxbarashada, Wasaaradda Waxbarashada Waxay shaacineysaa Maalinta Imtixaanka la qabanayo, maalinta la qabanayo imtixaanka Shahaadiga ah ee ardayda Foun Four-ka ah ka baxaya iyo kuwa dugsiga dhex ka baxaya, ardayaa imtixaanka u fariisanaya fasalka Dugsiga sare ee foun four-ka waxaa ka baxaya 1,216 arday ayaa sanadkan ka qalin jabinaya dugsiga sare, sidoo kale dugsiga dhexe waxaa ka qalin jabinaya oo u gudbaaya fasalka Koowaad ee Dugsiga Sare 1,949. 23,184 arday waxay ka gudbaayaan fasal waxayna gudbaayaan fasal kale, laga soo bilaabo dugsiga hoose Glass One ilaa Glass-ka 11aad.”

Sidaas oo kale, waxa uu tilmaamey in Imtixaanka Shahaadiga ah uu bilaabanayo 19 bishan May oo si rasmi ah dalka oo dhan uu uga qabsoomayo:

“Sidaas Daraadeed Maanta oo ay Taariikhdu tahay 10 bisha May, 2018, Waxaan Shaacineynaa oo aan sheegaynaa; kow dugsiga sare ardayda ka qalinjabineysa ardayda Foun Four-ka ah waxay galayaan 19 Bisha aan hadda ku jirno ee May oo maalin Sabti ah ayey u fariisanayaan, waa imtixaan Shahaadi ah waa imtixaan dalka oo dhan ah, sidoo kale dugsiga dhexe iyaguna sidaas oo kale ayey imtixaanka u galayaan oo ay uga gudbaayaan, inta soo hartay waxa uu u bilaabayaan 12 bisha.”

Si kastaba, Imtixaanka Shahaadiga ah ee dugsiyada sare oo ay soo qabanqaabineysay Wasaaradda Waxbarasahada XFS ayaa bilaabanaya 19 bishan, kaasi oo loo ballansan yahay inuu ka dhaco min Gaalkacyo ilaa Kismaayo.

Maandeeq FM

Related Articles

Close