JaamacadahaWararkaWaxbarashada

Mutadawiciintii Ayaa Ka Maqnaa, Naftooda Ayey Ku Tijaabiyeen.. Sidan Ayey Ku Gaareen Daahrog Cilmi ah oo Faa’iido Badan

Dadka mutadawiciinta ah ee dhanka sayniska qaarkood waxay liqaan ugxanta gooryaanka, halka kuwo kalena ay ogolaadeen in xubnahooda qaar laga saaro, laakiin inta badan dadkaa waxaa magdhaw laga siiyaa khatar iyo waqtiga ay tijaabooyinka ku bixiyaan, waxaase jirta in saynisyahanno iyagu tijaabadooda naftooda ay ku sameeyeen; danta oo ku khasabtay darteed iyo natiijada ka dhalan karta oo aan la damaanad qaadi karin, 5 caalim tijaabooyinkii ay naftooda ku sameeyeen waxay ku heleen abaalmarinta Nobel Prize; iyadoo lagu qadariyay daahroga iyo naf hurka ay sameeyeen.

Humphrey Davy Gaz Ayuu Naftiisa ku Tijaabiyay

Chemistry-yahankii reer Ingiriis Humphrey Davy ayaa dhowr jeer waxa uu ku neefsaday neefo kala duwan oo ay ku jirto Nitrous oxide ee keenta qosolka aan kala go’a lahayn.

Caalimkani waxa uu waayay qof mutadawac ah oo ka ogalaada in neefaha kala duwan lagu tijaabo, xilliyo aan yareyn ayuu naftiisa ku tijaabiyay ilaa uu markii dambe balwad oo kale ula qabsado.

Waxaa lagu tuhmay inuu yahay qof “Waalan”, aad ayaa loogu jees-jeesi jiray, bulshada cilmiga wax qadarin ah kama aanuu dhex helin xilligiisii, laakiin waxa uu aaminsanaa in neeftan “Nitrous oxide” ay suuxiye caafimaadka loo isticmaalo noqon karto, markii la daahrogay waxay noqotay horumar weyn oo dhanka cilmiga caafimaadka laga gaaray, markii ay caddaatay inuu caalimku cid kasta oo kale uu ka aragti dheeraa.

Barry Marshall Bakteeriya Ayuu Cabay

Dhakhtarkan reer Australia waxa uu noloshiisa ku qaatay baaritaan uu ku sameynayo habdhadqanka Bakteeriyada, waxa uu ku guuleystay abaalmarinta Nobel Prize sanadkii 2005 cilmiga howlqabadka xubnaha jirka, waxa uu tijaabooyinkiisa qaar ku cabay qaruurad ay bakteeriya ka buuxdo.

Marshall waxa uu dunida tusay in caloosha aadanaha ay bakteeriya ku noolaan karto, waxaa markii hore laga aaminsanaa in bakteeriyada aaney ku noolaan karin caloosha aadnaha, kadib markii uu arkay in bukaankiisa qaar oo caloosha laga hayay ay antibiotic ku bogsadeen.

Werner Forssmann Wuxuu Wadnihiisa ku Tijaabiyay Arrin Ay Saaxiibadii Kaga Horyimaaddeen

Caalimkan waxa uu ku guuleystay abaalmarinta Nobel Prize sanadkii 1956, waxa uu ka mid ahaa dhakhaatiirta qalliinka kuwooda ugu wanaagsanaa taariikhda ee adduunka soo mara.

Caalimkan waxa uu aaminsanaa in wadnaha lagu gaari karo in tubo yar la dhex raaciyo hablaha dhiigga, laakiin in badan oo dhakhaatiirtii saaxiibadii ahayd ka tirsan waxay yiraaheed waa fikrad waalli ah, waxayna u sheegeen in arrintaa loo dhiman karo.

Laakiin naftiisa ayuu ku tijaabiyay sanadkii 1929, si uu u xaqiijiyo inaaney dhibaato ku jirin, naftiisa ayuu ku tijaabiyay wuu sawiray isagoo adeegsanaya raajo xafiiskiisa taallay, waxaana ku sameeyay Cardiac catheterization oo tubo lagu gaarsiinayo wadnaha.

Maanta howshaa uu caalimku qabtay cudurro badan oo dhanka wadnaha ah ayaa lagu daaweeyaa.

George Malcolm Stratton Dunida Waxa uu Arkay Mid Madaxeedu Mije u Rogan Yahay

Waxa uu ahaa caalim dhanka cilmi-nafsiga ku caan baxay, muddo isbuuc ah ayaa waxa uu xirnaa ookiyaale dadka gadgadis loo arkayo, daraasadda uu ka sameeyay dhanka garaadka iyo dhalanteedka aragga waxay muhiim ka tahay dhanka cilmi-nafsiga oo laga daraaseeyo.

Marka uu tijaabadan 4 maalmood ku jiray waxa uu dareemayay madax wareer, dheelli-tirankii ayaa ka lumay, maskaxdiisuna waxay la qabsatay waxyaabaha rogan, markii uu maalinta sideedaad gaaray waxa uu karay inuu ku dhex socdo duni qaliban oo madaxeedu mijo u rogan yahay!, ookiyaalihii uu watay dartii.

Maandeeq FM

Related Articles

Close