JaamacadahaWararkaWaxbarashada

Dalxiiska Buugaagta: 5 Wadiiqo ee “Hawlgudashada” Wanaagsan Lagu Gaaro

Mararka qaar ma mooddaa in maskaxdu ku qarxi rabto, ma ku horyaallaan howlo badan oo adiga un ku sugaya meel aad wax ka bilowdana aadan garaneyn, ma dareemeysaa in adduunyadu ay xawaare ku socoto adiguna aad la jaanqaadi la’dahay. Hadaba waxaan maanta idiin soo gudbineynaa buug garabka aad u baahan tahay kuu fidinaya oo mashaakilka farabadan ee ku horyaalla aad kaga godbayso howlahaaga oo dhanna kuu fududaynaya.

Buuggan waxa uu inoo sharraxayaa waddooyin cajiib ah iyo taktikooyin aan u kaashan karno inaan waqtiga ku nidaaminno, waxa uu kuu tilmaamayaa sida aad u nidaamin karto noloshaada oo dhan, adigoo ka gudbaya walwalka faraha badan ee aad maskaxda ka dareemayso howlaha isku kaa saran darteed.

Buugga waxaa la yiraahdaa “Getting Things DoneHabka Howlgudashada Wanaagsan, waxaa qoray qoraaga reer Mareykan ee “David Allen“, buuggan waxa uu Goodreads ka helay 4/5.

Bilowga hore buuggu waxa uu ka hadlayaa sida ay maskaxdu u shaqayso, qoraagu waxa uu leeyahay maskaxdu waxay  qabataa labo shaqo oo waaweyn midkood, tan koowaad oo ah Holding oo wax ay kaydisaa macluumaadka soo gaara, shaqada labaad; waxay sameysaa creation oo waxay keentaa afkaar cusub, labadaa waddo tan uu caqligu ku raaxaystaa waa hal-abuurka iyo fikirka cusub. Sidaa darteed markasta oo ay yaraato waxaad maskaxda ku kaydinayso waxaa badanay badka u soo haraya hal-abuurka iyo fikradaha cusub ee hal-abuurka leh.

5-Waddo ee Howlgudasha Wanaagsan Lagu Gaaro(Tallaabooyinka GTD)

1- Collecting -Uruurin

Fikrad kasta oo cusub oo maskaxdaada ku soo dhalatay warqad u qaado oo qor, howlqabad kasta oo ku horyaalla ku qoro meel aad si fudu ku gaari karto oo aamin ah, waxaad sameysaa waxwalba oo fikirkaaga aad uga naqlineyso maskaxda uguna guurineyso meel kale oo aamin ah.

2- Processing- Turxaan Bixin 

Warqadda aad afkaartaada ku diyaarsatay dib u eeg, waajibaadka kuu qoran haddii aad aragto shay aad ku qaban karto 10-daqiiqo wax ka yar horey ka samee, mar kasta oo aad howlqabad sameyso sax saar.

3-Organizing- Nidaamin 

Waxaad meel iskugu soo uruurisaa waxyaabaha isa shabaha ee isku midka ah ee isasaaran, tusaale ahaan, howlaha dhanka shaqada hal meel iskugu uruuri, howlaha dhanka guriga iyo qoyska halmeel iskugu gee, howlaha dhanka caafimaadka meel qura ku uruuri, hawlaha kharashaadka kaa baxaya ee lagaa rabo meel qura iskugu gee. Mar xaladdan markaad waxwalba nidaamiso waxaad dareemaysaa dheelitiran iyo in waxwalabaa sidii la rabay ay u socdaan, walwalkana wuu kaa yaraanayaa.

4- Reviewing –Dib u eegis

Marka aad waxwalba qorato, nidaamiso, khaanado u kala qaybiso, dib u eeg wixii aad qortay, howl kastana waqti aad ku qabato u samee, waxaa xaqiiqo ah marka hore iney kugu adkaaneyso, laakiin marka dambe ee aad la qabsato natiijada ka soo baxda aad ayaad ugu mahdin doonto. Dib u eegista aad sameynayso ha noqoto mid maalin ah, mid isbuucle ah iyo mid bille ah, si markasta aad dib ugu eegto howlaha aad qabatay iyo waxa kuu harsan.

5-Doing- Fulin 

Marka aad subixii soo kacdo oo aad dib u eegto howlaha ku horyaalla, waxaa xilligaa la joogaa waqtigii fulinta, mar kasta oo aad howlqabato dib ugu noqo buuggii oo sax saar si aad u muujiso inaad howshaa dhammeysay, macnaha ay arrintani leedahay waxaad si fiican u fahmi doontaa marka aad howlgudasha wanaagsan sameyso aad ku indha qabowsato adigoo eegaya waxyaabaha muhiimka ah ee kuu qabsamay.

Afeef: ogow marka aad akhriso koobitaanka buuggan ee “Maandeeq FM” kuu sameysay ha moodin inaad dhameysay waxwalba oo ku jiray gudaha buugga, haddii aad karto iibso oo akhriso, faa’idada ku jirta mid la soo koobi karo maaha.

Maandeeq FM

Related Articles

Close