CaafimaadkaWararkaWaxbarashada

Daraasad: Dhibaatada Shaahu u Leeyahay Hooyada “Uurka” Leh

Daraasad cusub oo dhawaan soo baxday ayaa daaha ka rogtay cabitaanka 3 koob oo shaaha ee maalintii in hooyada uurka leh ay ku kordhiso khatarta ah iney dhalasho ilmo buuran oo miisaanka caadiga ah ka culus.

Sida ay qortay jariidada “The Telegraph“, daraasaddan oo lagu sameeyay 50-kun oo hooyo, dumarka uurka Leh ee qaatay 200 Mg oo Caffeine ah waxaa ku badan iney dhalaan caruur buurni la dhibaatooneysa sanadahooda koowaad ee nolosha.

Daraasadan oo ay alifeen khubaro cilmi-baarayaal ah oo ka tirsan akademiyada “Sahlgrenska” oo ka dhisan gudaha dalak Sweden oo kaashanaya mac’hadka Norway ee Caafimaad Guud ( Norwegian Institute of Public Health), ayaa waxay si wada jir ah u qiyaaseen da’da canuga ilaa 8-jir uu ka gaaro.

Verena Sengpiel oo ah professor kaaliye ka ah qaybta cudurrada haweenka iyo dhalmada ee akademiyada Sahlgrenska ayaa tiri:

“Waxaa habboon in la iska yareeyo caffeine-ka[maaddo shaaha laga helo], xilliga uurka”

https://twitter.com/Doclifts/status/995811634449977344

Maandeeq FM

Related Articles

Close