arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Ingiriiska.. Sidee Qoyska Reer Boqor Ay Lacag Ku Sameeyaan?

Warbaahinta Ingiriisku waxa ay ku qiyaastaan hantida Boqoradda Elizabeth II iney gaareyso 470 milyan oo dolarka Mareykanka ah, hadaba qoyska reer boqor halkee dhaqaaluhu ka soo galaa?

Boqoradda iyo wiilkeeda amiir Charles waxay dakhli bille ah oo aasaasi ah ka helaan xukuumadda Ingiriiska, waxaa kale oo ay dhaqaale ka helaan mashaariic ay si gaar ah u maalgashadeen.

Xukuumaddu waxay si dhammeystiran u bixisaa kharashaadka safarka qoyska reer boqor iyo ammaankooda gaarka ah, sidaas oo kale waxay bixisaa mushaarka kooxaha maamul ee qoyska taageera, sanad maaliyadeedkii 2016/2017 qoyska reer boqor waxaa ku baxaya lacag gaareysa 58 milyan oo dollar.

Sidaas oo kale qoyska waxay leeyihiin hanti u gaar ah oo loo yaqaanno magca “Duchy of Lancaster“, waa milkiyadda hanti uruursan, maalgashi dhanka gacansiga ah, beero, guryo, waxaana hantidan gaarka ah la aasaasay sanadkii 1265.

Sidaas oo kale, maalgashiga hantida gaarka ah waxaa uga soo baxa lacag sanadle ah oo lagu qiyaasay 26 milyan oo dolar, lacagtaas waxaa loo isticmaalaa kharashaadka gaar u ah qoyska, masaariifta guud, sida marka ay boqoraddu wakiil u magacowdo safar rasmi ah oo lagu casuumay.

Ku darso intaa aan soo sheegnay, boqoraddu waxay leedahay dhul u gaar ah sida qalcadda la yiraahdo “Balmoral Castle oo ku taalla gudaha Scotland iyo qasriga “Sandringham House oo ku yaalla bariga Ingiriiska.

Isku soo duub; Qoyska reer boqor ee dalka Ingiriiska waxay leeyihiin ilo dhaqaale oo farabadan oo dhinacyo kala duwan ka soo gala, laakiin shakhsiyaadka qoyska ka tirsan ma ahan sida ay dad badani ka aaminsan yihiin iney haystaan hanti fara badan.

Maandeeq FM

Related Articles

Close