WararkaWaxbarashada

Turkiga oo Saddex Jibaar Kordhinaya Ardayda Ajaanibta ah ee Wax Ka Barata… Visa-ha Waxaa Si Toos ah Usoo Saari Doona Jaamacadaha

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa Sabtidii May 12, 2018 ku dhawaaqay in dhammaan ardayda waddankiisa martida ku ah xilliyada soo aaddan ay u suuraggaleyso iney helaan ogolaanshiyo dalka ku galka iyagoo aan soo marin hay’adda socdaalka, Jaamacaduhuna ay si toos ah ugu soo saarayaan visa dalka ku galka.

Hadalkan ayuu ka sheegay khudbad uu ka jeediyay Sabtidii magaalada Istanbul, kulan midowga caalamiga ah ee ururada ardayda ajaanibka loogu qabtay magaalada oo uu soo qabanqaabiyay midowga caalamiga ah ee ururada ardayda ajaanibka ee marka la soo gaabiyo loo yaqaanno “UDEF”.

Erdogan waxa uu yiri, Turkigu waxa uu hadda martigeliyay 115 kun oo arday ajinabi ah oo ka faa’idaysta minxo waxbarasho ama si iskood ah lacagtooda ula baxa.

Waxa uu carrabka ku dhuftay in Turkiga uu doonayo in uu kor u qaado tirada ardayda uu dalkiisu  martigeliyo uuna gaarsiin doono ilaa 350-kun oo arday, si ay kaalmaha ugu horreeya uga galaan wadama ardayda ugu badan ee ajaanibta ah ay wax ku barato.

Erdogan hadalladiisii waxaa ka mid ahaa: “Ardayda ajaanibta ah ee aan martigelinno waxay ka faa’idaystaan caymiska caafimaadka isla markiiba iyagoon sugin muddo saddex bilood ah sidii markii hore dhici jirtay.”

Waxa uu tilmaamay, “In cafis guud loo fidiyay ardaydii hore ee caymiska uga faa’idaysan jirtay ee lacagaha lagu yeeshay.”

Waxa uu soo hadal qaaday dowladda Faransiiska oo xilliyadii dambe u muuqatay iney wadday ol’ole ka dhan ah dalak Turkiga, waxa uu carrabka ku adkeeyay Paris ha doonto ama yaaney doonin Turkigu wuxuu noqonayaa awood muuqata.

Erdogan waxa uu tilmaamay in dowlad Muslim ah oo qura aaney ka mid ahayn xilliga golaha Ammaanka “Waxaan codsaneynaa cadaaladdii ay Qaramada Midoobay ku aasaasantay ee la doonayay in la xaqiijiyo, laakiin hadda taa ma haynno.”

Maandeeq FM

Related Articles

Close