WararkaWaxbarashada

Shaqsiyaadka 40 Jirka Ka Weyn Waa Iney Isbuucii Ka Shaqeeyaan 3 Cisho oo Qura!

Daraasad cusub oo uu faafiyay mac’hadka daraasaadka “Melbourne” ayaa sheegaysa in dadka 40-jirka ka weyn ay howgudashadoodu wanaagsan tahay marka ay shaqeeyaan muddo saddex cisho ah Isbuucii.

Sida ay sheegayso daraasadda oo lagu sameeyay gudaha dalka Australia, cilmi-baarayaasha ayaa waxay falanqeeyeen awooda garasho ee shaqaalaha da’doodu weyn tahay, waxaana ka qabgalay 3500 dumar ah iyo 3000 oo rag ah.

Cilmi-baaryaasha ayaa waxa ay sheegeen in awoodaha qofka ee fikir, xasuusta, iyo fakarka maamul, marka lagu daro qiyaasta howlgudashada si ay shaqada si wanaagsan ugu qabtaan ay lagama maarmaan tahay iney saacado yar shaqeeyaan.

Dadkii daraasadda ka qabgalay howlgudashoodu waxay aad u fiicneyn markii ay isbuucii ka shaqeeyeen 25 saacadood, halka hoos u dhac laga dareemay marka ay shaqeeyeen 55 saacadood isbuucii, taas oo ka dhigtay in saacadaha badan ay daal iyo walaac ku beeraan.

Professor Colin McKenzie oo ka mid ah cilmi-baarayaashii daraasadda ayaa sheegay in heerka dhiirrigelinta fakarta ay ku xiran tahay tirada saacadaha shaqada.

Iyadoo ay jirto in shaqada maskxdu firfircooni ku dareento, ayaa hadana ay suuraggal tahay in ay keento daal hoos u ridaya xubnaha garaadka qofka.

Sidaa darteed, saacadaha shaqo ee ka badan 30 saacadood isbuucii waxay saameyn taban u gaysan kartaa caafimaadka ragga da’ dhexaadka ah.

Professor McKenzie waxa uu tilmaamay inaan si toos ah loo sheegi karin nooca shaqada qofka u wanaagsan iyo tan aan u waagsaneyn, laakiin in uu qofku shaqo buuxda uu qabto illaa uu ka gaaro 67 jir aaney faa’iido u lahayn sida ay xukuumaduhu aaminsan yihiin, fikradda shaqo ee ku dhisan 40-saacadoo isbuucii ayaa la filayaa in la hirgeliyo marka la gaaro 2026 ama 2028.

Ugu dambeyn, waxaa muhiim ah inaan xulanno shaqada aan farxad ku dareemaynno, markaa waxaa inoo suuraggal ah inaan daalka iyo caajika la dagaalanno, laakiin dadka da’da weyn waxaa hubaal ah inaaney shaqada u qaban karin sidii markii ay 20-jirka ahaayeen, sidaa darteed ay habboon tahay in lagu khasbin iney shaqeeyaan 67 saacadood isbuucii.

Maandeeq FM

Show More

Related Articles

Close