WararkaWaxbarashada

Suucuudiga oo Ku Baaqay In Loo Wada Guntado Raadinta Dhalashada Bisha Barakeysan ee “Ramadaan”

Maxkamadda sare ee Sucuudiga ayaa ku baaqday in la isku taxaluujiyo raadinta dhalashada bisha barakeysan ee “Ramaad”, Talaadada maanta ee Shacbaan 29, 1439 H oo waafaqsan May 15, 2018.

Sida ay qortay wakaaladda Wararka ee Suciidga WAS, maxkamadda sare ee Sucuudiga, waxay ka codsatay cid kasta oo isha ka qaadda bisha ama aalado kale ku aragta iney maxkamadda soo gaarsiiyaan oo ay duubaan ama ay la xiriiraan xarunta ugu dhow ee laga garabsiin karo, si loo beegsado maxkamadda ugu dhow.

Sida ay wakaaladdu sheegtay, maxkamadda ayaa ka dalbaneysa dadka raadinta ku wanaagsan iney u dhabbe galaan arrintan muhiimad gaar ahna ay iska saaraan, kana qayb galaan guddiyada la saaray ee loogu talagalay raadinta bisha barakaysan ee Ramaadan.

Si kastaba, maalinnimada berri ah ayaa noqon karta maalin Soon maadama Shacbaan ay maanta tahay 29.

Maandeeq FM

Related Articles

Close