arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Dunida Muslimka ah oo La Isku Waafaqay in Khamiista ay Soon Tahay

Dowladaha Carabta iyo kuwa islaamka guud ahaan waxaa la isku raacay in maallinamada Khamiista ah ee 17 May ay waafaqsan tahay maalinta Koowaad ee bilshada barakeysan ee Ramadaan, kadib markii ay suuraggal noqon weynday in habeennimadii xalay la arko dhalashada bisha.

Cammaan ayaa noqotay dowladdii ugu horreysay ee ku dhawaaqda xilliga uu soonku ku beegan yaahy, guddiga raadinta dhalashada bisha loo xilsaaray oo ka tirsanaa Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta ayaa ku dhawaaqay in Khamiista maalinta ku beegan May 17 ay tahay maalin Soon.

Dhanka kale, warbaahinta Sucuudiga ayaa sheegay iney suuraggali weyday in bisha la arko habeennimadii Talaadada(xalay) dhammaan gobollada kala duwan ee Sucuudiga, sidaa darteedna aaney Arbacada Soon ahayn, la dhammeystirayo Shacbaan Soddonkeeda.

Sidoo kale,  Iiraan xubin ka tirsan guddiga raadinta dhalashada bisha Ramaad u xilsaarnaa oo ka socday xafiiska hoggaamiyaha sare ee dalkaas, ayaa sheegay in Khamiista ay tahay maalinta Koowaad ee dhalashada bisha barakeysan ee Ramadaan.

Waxaa arrintan ku raacsan oo ku dhawaaqay in ay Khamiista Soon tahay, Falastin, Suuriya, Ciraaq.

In Khamiista ay tahay Ramadaan waxaa sidoo kale sheegay; Malaysia, Australia, Indonesia, Japan iyo South Korea oo muslimiinta dalalkaas ku nool ay soomi doonaan.

Si kastaba, Sanadkan ayaa waxa uu noqonayaa mid khilaaf la’aan lagu soomi doono oo si la isku wada waafaqsan yahay dunida Islaamka lagu bilaaban doono bisha barakeysan ee Ramadaan.

Maandeeq FM

Show More

Related Articles

Close