arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

“Hubka” Ay Dumarku Isku Adeegsadaan Xilliga Isgarbinta Xiriirka Romantic-ga Ah!(Daraasad)

Daraasad laga sameeyay Jaamacadda Florida ayaa lagu ogaaday in dumarka qaangaark ah ay adeegsadaan taktikooyinka isku dirka si ay u burburiyaan sumacadda haweenayda kale ee ay u arkaan iney khatar ku tahay xiriirka romantic-ga ah ee ay dooneyso iney dhisto.

Sida ay qortay jariidada “Daily Mail“, cilmi-baaraha si gaarka ah daraasaddan  diyaarisay oo ah ardayday PhD diyaarisa lana yiraahdo Tara Reynolds ayaa waxay hoggaamiye ka noqotay 5 cilmi-baaris oo muujinaya in dumarka ay iska faafiyaan macluumaad taban haweenayda ay u arkaan iney ka soo jiidasho badan tahay dhanka xiriirarada jacaylka ay ku tartamayaan.

Dumarku waxay isticmaalaan istiraatiijiyda isku dirka iyo in xanta la iska faafiyo si ay u beegsadaan qofka kale ee la tartameysa si toos ah ama si dadban.

Reynolds waxay leedahay : “Arrintan aan ka hadleynaa waa muhiim, maxaa yeelay; sumacadda haweenku waa muhiim si ay u gaaraan wadaay romantic ah ama ay xiriirro iskaashi qof kale ula yeeshaan, cilmi-baaristan waxay muujineysaa in hadallada la iska faafiyo ay suuraggal tahay iney bedelaan fahamka bulshada si aad u weyn. Dumarku waxay culeys wayn saaraan macluumaadka aan wanaagsaneyn, maxaa yeelay; waxay u tahay xeeladda ugu muhiimsan ee ay kaga guuleysan karaan haweenka ay u arkaan iney khatar gelin karto.”

Cilmi-baaruhu waxay sheegtay in dumarku marka ay iska ogaadaan macluumaad aan wanaagsaneyn aad ayay u faafiyaan, laakiin marka ay iska maqlaan macluumaad qiimo leh lagama filayo inta badan iney faafiyaan.

Waxaa xusid mudan, in Baraha-bulshada ay kaalin ka qaateen faafitaanka xanta iyo sumacad dilka, cilmi-baarayaasha daraasaddan soo diyaariyay ayaa aaminsan in dhaqanka xun oo la soo bandhigo ay kaalin ka qaadato in la horistaago oo wax laga qabto. Sidaa darteed intii aad qof kale aad isku dayi lahayd inaad sumacad disho, naftaada ku mashquul oo horumari cid kasta adigaa ka guuleysanaya.

Maandeeq FM

Show More

Related Articles

Close