WararkaWaxbarashada

Ra’isul-wasaaraha Kanada Muxuu Ka Yiri Munaasabadda Bisha Barakeysan ee “Ramadaan”?

Ra’isul-wasaaraha Kanada Justin Trudeau ayaa Muslimiinta waddankiisa u ku nool ugu hambalyeeyay bilashada bisha barakaysan ee Ramadaan, farriin “Muuqaal” ah oo uu ku bilaabay “al-Salam Alaikum”.

Farriintan waxaa faafiyay xafiiska ra’isul-wasaaraha Talaadadii, waxaanuu ku faafiyay dhammaan baraha kala duwan ee uu barta internet-ka ku leeyahay.

Trudeau waxa uu yiri: “Habeenkan caawa waxaa gudaha Kanada iyo daafaha kala dunida laga raadinayaan bilashada Ramadaan”.

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay: “Bisha Ramadaan qoysasku waxay ku dadaalaan iney ku kulmaan masaajidda iyo guryaha, maalintiina way soomaan, xilliga ay qorraxdu dhacdana way afuraan, iyagoo ducaysanaya, bishan waa bil duco oo niyaddu ay aad u sarreyso, waana fursad qiimo badan oo lagu muujiyo naxariista iyo deeqsinimada.”

Waxaa tilmaamay in bishani ay tahay bil uu qofku naftiisa ku xisaabiyo “Bishani waxay annaga noo tahay dhammaanteen, fursad aan ku dhaqan gelinno qiimaha wanaagsan in aan  faafinno, sida; deeqsinimada iyo inaan wax tarno bushadeenna iyo dunida inteeda kale, waa fursad aan nafteenna ku xisaabin karno.”

Waxa uu hadalkiisa ku daray “Sidaas oo kale bishani waxay fursad u tahay inaan u dabbaaldagno waxqabadka muhiimka ah ee bulshada Muslimka ah ay dalkeenna Kanada ku soo kordhiso maalin kasta, waxaanu leenahay aniga, xaaskayga Sophie iyo qoyskeygaba Ramadaan mubaarak.”

Waxaa xusid mudan, golaha fiq’higa ee Waqooyiga Mareykanka iney Talaadadii ku dhawaaqeen, in maanta oo Arbaco ah oo taariikhdu tahay May 16 iney tahay maalintii koowaad ee bisha barakeysan ee Ramadaan, isla markiiba taraawiixdii ayaa laga oogay masaajidda.

 

Maandeeq FM 

Show More

Related Articles

Close