WacyigelinWararkaWaxbarashada

Sida Loola Socdo Mashaariicda: 7 Tilmaame Oo Laga Qiimeeyo Laguna Qiyaaso Howlgudashadooda

Qiimeynt iyo la socodka Mashaariicda waxay kaalin muhiim ah ka ciyaartaa in guulo muhiim ah laga gaaro  iyo iney noqdaan kuwo hirgala. Daraasad dhawaan soo baxday ayaa waxay farta ku fiiqday in dhanka maamulayaasha muhiimadda ay qiimayntu leedahay ay tahay mid aad u ballaaran.

Waxaa jira tilmaamayaal badan oo maaliyadeed iyo kuwo kale oo aan maaliyad ahayn oo laga eego qiimeynta mashaariicda.

  1. Lambarka iibka

Arrintan ayaa waxay ku imaaneysaa in si joogta ah loola socdo waxyaabaha la iibiyo iyo is barbardhigooda maalmo, bilo iyo sannooyin, iyadoo Labo arrimood xoogga la saarayo:

a- Iib xilliyeedka

In si gaar ah loola socdo bilaha uu iibsigu sarreeyo iyo kuwa uu hooseeyo sanadkii, tusaale ahaan; ganacsiga dharka xilliyada ciidaha waxaa kor u kaca iibsigooda, halka sanadkii magaalooyinka qaar ay leeyihiin bilo goonni ah oo si wanaagsan wax loo iibsado.

b- Isbarbardhigga Tukaamada

Haddii tukaan uu leeyahay 4 farac oo meelo kala duwan ku kala yaalla, iibsigiisa uu kordho 50% marka loo barbardhigo sanadkii hore oo xilligaa uu laba farac oo kaliya uu ahaa, waxaa wanaagsan marka dambe isbarbdhiggu noqodo in afarta farac loo barbardhigo 4 farac oo kale si natiijo wax ku ool ah loo gaaro, si isbarbardhiggu uu u noqdo mid cadaalad ku dhisan.

  1. Iibka Faa’iidada Ku Dhisan

Waxaa waajib ah in xoogga la saaro faa’iidada oo marka tirada waxyaabaha la iibsaday wax macno ah ma sameeynayaan, waxaad eegaysaa faa’iidada ma laba-laabantay mise hoos u dhac ayaa jira.

  1. Bankiyada

Dhanka Bankiyada waxyaabaha ay tahay in xoogga la saaro oo lala socda waa hantida shaqaysa iyo midda aan shaqeyn, bankiyadu waxay leeyihiin waxyaabo badan sida; kirada guryaha, mushaarka oo ay tahay in loo eego kharash ahaan oo isku dheelitirka la eego.

a-Kirooyinka: faracyadu way  kala duwan yihiin laakiin kirada guryaha waa shay cad oo aan marnaba isbedelayn, lacagta kirada lama rabo iney ka badato 10% marka loo eego iibsiga sanad kasta. Waxaana lagu qiyaasaa oo laga eegay dakhliga inta uu uga dhigmo mitir kasta oo iskuweer ah.

b- Mushaarka: waxaa waajib ah in mushaarka loo barbardhigo oo la eego saamiga ah ay ka tahay Qiimaha iibka, tusaale ahaan; haddii sanadkan mushaarku uu ka ahaa 20% qiimaha iibka mashaariicda uu bankigu maalgeliyo, nooca mashuuriicda la maalgeliyo ayaa tilmaamaya in mushaarka shaqaalaha la siiyo uu u qalmo wax-soo-saarka ay sameeyaan iyo in kale.

  1. Macaamiisha

a-Tirada Macaamiisha: waxaa waajib ah in lala socdo tirada macaamiisha si ka badan tirada iibka, kordhinta macaamiisha iyo saameynta ay ku leeyihiin wax-soo-saarka inuu kordhayo iyo in kale.

b- Saamiga macaamiisha cusub: waxaa loola jeeda mashruuc kasta waxa uu leeyahay macaamiil cusub iyo kuwo saaxiib dhow la ah oo kaleynti ah, haddii macaamiishaadii hore oo qura aad haysto oo aaney cid cusubi kuu imaaneyn, waxaa si cad kuugu muuqda in macaamiil cusub aadan haysan, sidaa darteed ay wax ka maqan yihiin, haddii macaamiishaadu ay wada noqdaan kuwo cusub halkaa waxaa ka muuqda mushkilad ah in wax-soo-saarkaagu aanuu dadka cajabgelin oo qofkii arkaa aanuu mar dambe ku soo laabaneyn.

c- kharashka aad macmiil cusub ku heli karto: tusaale ahaan marka aad xayaysiin sameyso, haddii aad xayaysiin ku faafiso barta Facebook oo 12,000 ee qof lagu tuso 3 dolar tusaale ahaan, haddii 12kun ee qof ay kaa soo raacdo 50 qof oo macmiil cusub ah, waxaad ogaataa in qiimaha halkii macmii uu kugu fadhiyaa uu yahay 240 shillin.

d- Qanacsanaanta macaamiisha: waxaad ka ogaan kartaa su’aal aad toos u waydiiso iyaga, jawaabaha aad hadda hesho u barbardhig, jawaabihii aad sanado iyo bilooyin ka hor aad ka heshay, kadib xoogga saar Baraha-bulshada ee kala duwan oo ah halka ugu wanaagsan ee laga ogaado qanacsanaanta wax-soo-saarka aad suuqa keento iyo adeegga aad bulshada u soo gudbiso.

  1. Tilmaamaha Shaqaalah

Shaqaalaha muhiimka ah sida ay shaqadooda u sii wataan waxaa loo aqoonsan yahay iney tahay tallaabo aad muhiim u ah, inta shaqaaluhu ay shirakadda sii joogaan ayaa si gaar ah loola socdaa, haddii ay kooban tahay oo xilli kooban ay joogaan, waxaa jirta deegaan aan habbooneyn gudaha shaqada, taa bedelkeeda waxaa ah haddii muddo dheer ay joogaan, waxaa muuqata in ay haystaan deegaan wanaagsan oo ay ku qanacsan yihiin, haddii shaqaaluhu ay qanacsan yihiin, waxaa la hubaa in macaamiishuna ay la mid yihiin.

  1. Faa’iidada Maalgashiga ka soo noqota:

Waxay qiimaynteedu ka caddaaneysaa xoogga maalgashigu inta uu le’eg yahay iyo faa’iidada ka soo noqota.

  1. kharaashadka la geliyo Cilmi-baarista

Tilmaamahan waxaa si aad ah ugu tiirsan shirkadaha waaweyn, tusaale ahaan; shirkadaha daawooyinka soo saara shaqadoodu waxay ku xiran tahay hadba horumarka dhanak cilmi-baarista laga gaaro.

Si kastaba, Waxaa muhiim ah halkan inaan tilmaanno ayna mudan tahay in la kor istaago si loo kala ogaado in shirkad ay ku socoto wadadii guusha iyo in kale, waa in la eegaa dhammaan tilmaamayaashaa oo dhan oo kuu caddeynaya qayb kasta oo ka mid ah shirkadda.

Ugu dambeyn, waxaa isku daynnay inaan idin xasuusinno tilmaamayaasha ugu muhiimsan ee lagu qiimeeyo mashaariicda oo si fudud aan u sharraxnay. Waxaa dhici karta iney jiraan afkaar kale oo aad haysato oo qiimeynta mashaariicda loogu talagalay, nala wadaag oo dadka u soo gudbi waxa cusub adigoo ‘comment’ soo qoraya si faa’iidadu u ballaarato.

Maandeeq FM 

Show More

Related Articles

Close