WararkaWaxbarashada

Wasiirka Waxbarashada XFS: 27-sano Kadib Waxaa Kharashka Imtixaanka Laga Bixiyay Bajadka Dowladda

Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay imtixaanka shahaadiga ah halka lagu diyaariyay, tirada ardayda ka qabgaleysay isagoo dardaaran guud u jeediyay ardayda u fariisaneysa.

Ugu horreyn Wasiirku waxa uu ka hadlay sharciga waxbaashada dalka qodbka ka hadlaya qiimeynta ardayda ee dhammaad sanad dugsiyeedka:

“Sida uu qabo sharciga Waxbarashada Dalka Sanad dugsiyeed walba dhammaandkiisa waa in arday Kasta waxbarashadiisa la qiimeeyaa, la diiwaangeliyaa la kaydiyaa lana ogaysiiyaa natiijada Imtixaanka, sidaa daraadeed arday kasta oo dhammeystay dugsiga sare waxaa waajib ku ah inuu u fariisto imtixaanka shahaadiga ah ee Qaranka.” , ayuu yiri Wasiir Cabdiraxmaan.

Waxa ka hadlay in maalinta Sabtida ah ee soo aaddan si rasmi ah imtixaankii shahaadiga ahaa loo fariisanayo: “Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare waxay ku jirta diyaar garow aad u weyn oo lagu doonayo ka miro dhalinta howlaha Imtixaanka, sidaan horey u shaacinnay bishan May 19-keeda, 2018, waxaa dhammaan ardayda dhammeysanaysa Waxbarashada Dugsiga Sare ee sanad dugsiyeedka 2017/2018 ay u fariisan doonaan, imtixaanka Shahaadiga ah ee Qaranka.”

Wasiirka waxa uu ka hadlay tirada ardayda sanadkan u fariisaneysa imtixaanka dugsiga sare :”Sanad dugsiyeedkan Imtixaanka waxaa u fariisan doona, 27,600 (todobo iyo labaatan kun iyo lixboqol) oo arday, waxaana lagu geli doonaa in ka badan 120 xarumood oo ka tirsan Afar maamul-goboleed, oo kala ah Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur-galbeed, Jubbaland iyo Gobolka Benaadir.”

Waxa uu codsi u soo jeediyay waalidiinta oo uu ku tartarsiiyay iney ka qaybqaataan habsami u socodka imtixaanka: “Waxaan ka codsanayaa waalidiinta iney ka qaybqaataan habsami u socodka howshan Qaran, waxaan sidoo kale ugu baaqayaa ardayda galeysa imtixaanka iney la shaqeeyaan oo ay u dhaga nuglaadaan ilaalada iyo kormeerayaasha Imtixaanka.”

Wasiirka Waxbarashada XFS waxa uu tilmaamay labo dhacdo oo taariikhi ah oo markii ugu horreysay sanadkan ku kulantay imtixaan, mid waa in gudaha dalka lagu daabacay, tan kalena waa in kharashaadkiisa laga bixiyay bajadka dowladda:

“Sanadkankii ugu horreeyay ee imtixaan Qaran lagu diyaariyo dalka Gudihiisa muddo 27 sanadoodka ah, imtixaanka dejintiisa, daabacaaddiisa, kaydintiisa iyo xifdintiisaba waxay ka dhacday dalka Gudihiisa, sidoo kale kharashka ku baxaaya Imtixaanka waa markii ugu horreysay ee 27 sanadood gudahood laga bixiyay bajadka dowladda, waxaan u mahadcelinayaa dhammaan dadkii ka qaybqaatay oo taabagalka ka dhigay howlaha imtixaanka shahaadiga ee Qaranka, kuwaas oo ay ugu horreeyaan shaqaalaha wasaaradda, bahdwadaagta waxbarashada iyo ciidamada qalabka sida.”

Ugu dambeyn, Wasiirku waxa uu ugu baaqay ardayda galeysa imtixaanka iney naftooda ku kalsoonaadaan oo ay iska ilaaliyaan “Qishka”, waxa uu ugu hambalyeeyay bisha Ramadaan, waxaanuu u rajeeyay guul.

Maandeeq FM

Related Articles

Close