WararkaWaxbarashada

Habeenka Imtixaanka oo La “Dhafro” Waa Waddo Hubaal Ay Tahay In Lagu Dhaco

Hurdada ayaa ku yaraata arday badan marka uu soo dhawaado waqtiga imtixaanka, gaar ahaan habeenka imtixaanka,  waxaa dhacda in arday hurdada ku yareyso baqdin iyo walwal ay ka qabto imtixaanka darteed.

In hurdadu kugu yaraato waxay keentaa dareenkaaga oo xumaada, awoodaada oo kala dhantaalanta, focusing-ka diirad-saarka kugu yaraada, arrimahaas oo dhan oo is biirsadaana waxay si taban u saameeyaan howlgudashadaada imtixaanka.

Xilliga aan hurudno maskaxdeennu waxay xifdisaa macluumaadka aad maalintii la kulanto, way habysaa meel wanaagsanna way ku kaydisaa, arrintaasi waxay ka timaaddaa gaar ahaan xilliga hurdada ee loo yaqaanno (REM) ama Rapid Eye Movement, waa marka ay maskaxdu si fiican u gasho hurdada.

Markaa haddii ay maskaxdu heli waydo xilli hurdo oo ku filan waxaa ku adkaaneysa iney macluumaad cusub xifdiso oo ay kaydiso.

Tallaabooyin aad kaashan karto

1- Xasuusnow saameynta dhafarku uu kugu yeelan karo xilliga imtixaanka

Marka uu walwal kugu furan yahay waxaa hubaal ah iney huradadu kugu adkaaneyso, sidaa darteed walwalka iska yaree, xasuusnow talooyinka ay soo jeedinayaa daraasaadka cilmiga ah ee tilmaamaya in habeenka imtixaanka uu ardaygu seexo ugu yaraan 8 ilaa 9 saacadood.

2- Xasuusnow inaaney dhib lahayn macluumaadka qaar inaad lumiso

Ardayda qaar waxay u dhafraan iyagoo doonaya inaaney waxba dhaafin, laakiin xaqiiqo ahaan waxaa miisaanka ka luminaya oo waxwalba dhaafinaya waa dhafarka, sidaa darteed; inaad wax yar illowdo ha u hurin inaadan waxba xasuusan.

3- Xasuusnow inaad dareemi doonto daal dhanka jirka ah

Marka aan ka nimaadno dhibaatada dhafarku u leeyahay maskaxda, waxaa jira dhibaato dhanka jirka ah oo uu keeno, marka aad seexan waydo hurdo kugu filan waxaad isku arkaysaa calaamado badan oo ay ka mid yihiin; madax-xanuun, yalaalugo, lafa xanuun gaar ahaan lafaha dhabarka iyo garbaha, arrimaahaas oo dhani waxay raad xun ku reebayaan ka shaqaynta imtixaanka oo kugu adkaanaya.

4- Subixii hore wax akhri oo duruuska isha sii mari

Habeenkii inta aad si wanaagsan u seexato ayaad soo kici kartaa xilli hore oo subixii ah si aad isha u mariso duruusta iyo meelaha muhiimka ah ee aad isleedahay  in dib loo eego waa mudan tahay, xilligaas waxaad haystaa labo ilaa saddex saacadood oo aad wax ku sii eegan karto.

Maandeeq FM

Show More

Related Articles

Close