arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

“Halkan igu Aasa”: Gabar yar oo 8 jir ah oo Ka Sii Dardaarantay Habkii Loo Aasi lahaa.. Sheeko Xanuun Badan oo Ka Dhacday Gaza

Iyadoo 14 jir ah ayey sii qorsheysay “Wesal Sheikh Khalil” tallaabooyinkii lagu aasi lahaa oo si faahfaahsan ay uga sii dardaarantay.

Sida uu sheegay wiil dhalinyaro ah gabadhaa yar la socday, waxay ka dardaarantay in marka ku dhimato rasaasta ciidanka Israel lagu aaso isla goobtii ay ku nafweyday ama ayeydeed lagu garab aaso.

Riim Abu-Camir oo ah hooyada Wesal ayaa waxay tiri: “Waxaan aaminsanaa in geeridu ay ka wanaagsan tahay noloshan aan ku jirno, Alle ayey baryaysay mar kasta oo ay mudaharaadka ka qaybgasho inuu shahiidnimo ku dilo.”

Warbixin ay ka diyaarisay Jariidada “The Guardian“, Wesal waxay ka mid noqotay 60 qof oo ku dhintay Gaza Isniintii May 14, 2018, askar Israel ah ayaa xabbado la dhacay iyagoo Tobabaan kun oo qof ah oo ku mudaharaadayey xayndaabka Gaza.

Kumanaan dhalinyaro Falastiin ah ayaa iskugu yimid dhanka barxadda al-Sayaaj, waxay ka qaybgaleen dagaal aan isku dheellitirneyn oo caqliga ka soo horjeeda, iyagoo muujiyay geesinimo aan horey loo arkin, waxay u babacdhigaan ciidan ku hubaysan hubka ugu casrisanaa adduunka.

Siday ku dhimatay gabadhan yare e 8-jirka ah

Wasaaradda caafimaadka Gaza ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in dadkii dhintay ay ku jirtay gabar yar oo Sideed jir ah oo ku neef qabatowday gaaska dadka ka ilmeysiisa ee mudaharaadka lagu kala eryo, waxaa sidoo kale ka mid ahaa dadkii goobta ku geeriyooday qof lugaha naafo ka ahaa oo ay kaamirooyinku soo qabanayeen isagoo dhagax ka tuuraya gaari yar oo ah kan ay curyaamiintu riixaan.

15 May, xilligii la isku diyaarinayay in dadkan la aaso, waxay ku beegnayd sanad guuradii 70aad ee loo yaqaanno “Xuskii al-Nakbah” ee 700 oo kun oo Falastiiniyiin ah lagu khasbay iney guryahooda ka cararaan dagaalkii 1948, xilligii la dhoodhoobayay dowladda Israel.

Muddo Lix isbuuc ah ayaa waxaa socday dibadbaxyo loogu magac daray “Socodkii dib ugu soo laabashada dhulka Hooyo”, waa kacdoon looga golleeyay in Falastiiniyiinta dibadda ku nool ay dib ugu soo laabtaan dalkooda hooyo, waana tan dhalisay dibadbaxii Isniinta ee dadka badani ku dhintay, laguna tilmaamay kii ugu dhiigga badnaa taariikhda, waxaa sidoo kale lagu muujinaya carada ay dadku ka qaadeen furitaanka safaaradda Mareykanak ee Qudus oo isla maalintaa ku beegneyd.

Si kastaba, sheekadan xanuunka badan ee ka dhacday Gaza ayaa muujineysa dhibaatada ka jirta Falastiin heerka ay gaarsiisan tahay, waxay mudan yihiin inaan la danqanno maadaama ay walaaladeen yihiin.

Maandeeq FM

Related Articles

Close