WacyigelinWararkaWaxbarashada

Isle’egta “Jeff Bezos” ee Sirta Guusha; Sidan Ayey Sameeyaan Dadka Guuleystay!

Dhammaan waxaan u wada soconnaa sidii aan ku gaari lahayn guulo nololeed, laakiin ma isweydiisay muxuu qofi ugu fashilmaa xaqiijinta hadaf yar, halka kuwo kale ay xaqiijiyaan ahdaaf waaweyn oo ay naftooda u qorsheeyaan.

Hagaag, guushu waxay leedahay aasaas iyo mabaa’id ay waajib tahay in la raaco, si aan wadadeeda u bidhaansto waxaa habboon inaad eegato raadka dadka nolosha ku guuleystay.

Dadka aad bidhaansan karto waxaa ka mid ah Jeff Bezos oo hadda ah qofka ugu taajirsan Adduunka.

Jeff Bezos

Haddii aadan garaneyn qofka uu yahay Jeff Bezos, waa qofka leh fikradda mashruuca koowaad ee caalamka ee dhanka gacansiga internet-ka, waxaa u furan suuqa ugu weyn ee la yiraahdo “Suuqa Amazon” kaas oo kacdoon ka dhaliyay hantida dunida ee dhanka suuqgeynta. Waxaa u suuragashay inuu dusha sudho taashka qofka ugu taajirsan adduunka oo uu kala wareegay Bill Gates.

Markiisii hore waxa uu ahaa Programmer, waxa uu ka soo shaqeeyay McDonlad’s, kadib waxa uu ka mid noqday shirkadaha maalgashiga sameeyay. Markii uu arkay in tirakoobyadu ay si isasoo tareysa u tilmaamayaan in dadku ay si aad u isticmaalayaan internet-ka ayaa waxa uu iska casilay shaqadii uu hayay, isagoo markaa ahaa qof hal-abuur leh oo aad looga jeclaa shaqada, waxa uu aasaasay shirkadda weyn ee isbedelka ka sameysay gacnsigii adduunka, waxa uu abuuray hab cusub oo wax loo kala iibsado isla markaana fududaysay nolosha dadbadan oo daafaha dunida ku kala nool. Arrintaasi waxay ahayd markeedi hore arrin uu khatarteeda u bareeray oo aanuu ogeyn natiijada uga imaan karta laakiin wuu ku guuleystay.

Amazon maanta aad ayey u ballaaratay oo markii hore waxay ku koobneyd iibinta buugaagta oo qura, hadda waxay isticmaashaa robot badeecooyinka kala duwan jildiga sare u sameeya, diyaarado Drones oo dalabaadka dadka gaarsiiya, hadda waxaa lagu soo kordhiyay shirkadda afkaar cusub oo muhiim ah.

Hadaba su’aasha isweydiinta leh ayaa ah; isle’egta uu Bezos guusha u maray ?

Erayadan ayuu ku soo koobay wadadii uu guusha u maray, waxa uu yiri: “Guushu waxay u baahan tahay Khubaro hibo leh, Caqli dad bilow ah iyo Qorsheynta waqtiga dheer.”

Bezos Saddex Mabda’ Ee uu guushiisa Ku Dhisay:

1- Ha kugu Hareeraysnaadaan Dadkii Munaasabka ahaa

Haddii aad dooneyso inaad guulo waaweyn hiigsato, waxaad u baahan tahay koox heer sare ah. Bezos kooxda uu haysto waxa uu ku tilmaamay “Khubaro hibo leh”… waxaase isweydiin leh qof kasta oo khabiir ah hibo ma leeyahay?

Sonooyin badan oo cilmi-baaris laga sameeyay waxaa la ogaaday in arrintu aaney khusayn qofka khibaradda un leh, laakiin ay lagama maarmaan tahay inuu garanayo waxa looga baahan yahay ee muhiimka ah.

2- Yeelo Caqi u Hamuun Qaba Inuu Wax kororsado

Halkan waxaa la doonayaa in laga fogaado dad isku haysta iney waxwalba yaqaannaan, waxaa loo baahan yahay dad ay wax ka maqan yihiin oo leh caqli qof bilow ah waxwalba iney bartaanna diyaar u ah.

3- U Diyaargarow Socdaal Dheer

‘Roma maalin laguma dhisin’, Inaad dadka ka dhaadhiciso fikrad cusub ama mushkiladahooda aasaasiga ah aad u xaliiso wax sahlan maah, waxaa loo baahan yahay istiraatiijiyad waqti dheer ah, sidaa darteed; Bezos waxa uu yiraahdaa: “Hadafkaaga waqtiga dheer marnaba ha u hurin ahdaaf waqti koobon ah.”

Si kastaba, Guusha fadhi kuma timaaddo ‘Xaglo laaban xoolo kuma yimaaddaan’, waxaa muhiim ah inaad xoogga saarto shayga aan dooneyno inaan ka mirodhaliso, waqti iyo xoog wixii aan heli karnno aan u hurno.

Maandeeq FM

Related Articles

Close