WararkaWaxbarashada

Puntland: Imtixaankii Shahaadiga oo Maanta Lasoo Afmeeray

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Puntland oo soo afmeertay imtixaankii shahaadiga ah ee sanad gusiyeedka 2017/2018.

Guud ahaan Maanta waxaa soo gabagabobay imtixaankii Fasalka 12aad ee Dugsiyada sare oo aad uga duwanaa sannadadii hore, waxaa imtixaanka gashay aradaydii ugu badnayd abid oo u fariisata imtixaan fasalka 12aad ee Dugsiga sare 2018-ka.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Waxbarashada oo uu ku saaxiixnaa Deeq ‘Hurevov’ madaxa Isku xirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare, ayaa lagu sheegay in  Hannaanka imtixaanaadka loo qaadayey uu ahaa mid casriyeysan iyo qorshaha lagu hagayo imtixaanaadkan waxaa sanad kasta isku dubba ridda oo hogaamisa Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland, waxayna dedaal dheeraad ah ku bixisaa in ay hubiso in guud ahaan ardayda Puntland lagu ilaaliyo waxbarashada.

Si kastaba, ardayda gashay imtixaanka shahaadiga ayaa waxay gaareysay illaa 15-kun oo arday oo dugis dhexe iyo sare iskugu jirta, waxaa lagu galay 100 xarumood oo ku kala yaalla daafaha kala duwan ee Puntland.

Maandeeq FM

Related Articles

Close