arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Qoys Chinese ah oo Eey Ay Xanaaneysanayeen Ku Noqday “Madaxkuti”!

Qoyska Su Yun ayaa waxay eey yar soo iibsadeen Labo sano ka hor, waxay aad ula yaabeen raashinka uu cunayo sida uu u tiro badan yahay, maalintii waxa uu dhammeynayay gasaacad khudaar ah iyo Baasto aad u tiro badan.

Sida warbaahinta Shiinuhu ay qortay, qayska waxaa lama filaan ku noqotay markii ay ogaadeen waxa ay korsanayeen inuu ahaa madaxkuti ee aanuu ey ahayn, waxa uu miisaankiisu gaaray 114 Kg.

Qoyska ayaa waxay dareemeen in waxa ay korsaneeyeen uu ahaa xaywaan khatar ah, waxay la yaabi jireen in uu laba lugood ku socon karo isla markaana aan koritaankiisu joogsaneyn .

Madaxkutida ayaa loo qaaday xarun  lagu xanaaneeyo xaywaanka duurjoogta ah, xaywaankan ayaa dhiririkiisu ahaa mitir, markii la qaadayayna waa la suuxiyay.

Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in madaxkutidan marka la iibinayo ay lacagteedu gaareyso Kumanaan dolar oo Suuqa madow  lagu kala iibsado.

 

Maandeeq FM

Show More

Related Articles

Close