WararkaWaxbarashada

Wasiirka Waxbarashada XFS oo Ballanqaad Gaar ah u Sameeyay Ardayda “F4″ee Beledweyne

Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Daahir Cismaan ayaa u ballanqaaday ardayda “F4” ee Magaalada Beledweyne in dib u dhaca imtixaanka shahaadiga aanuu saameyn doonin natiijada iyo minxooyinkii waxbarasho ee ay heli lahaayeen.

Wasiirka oo Arbacadii shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay ardayda magaalada Baladweyne ee daadadku ka horistaageen Imtixaanka midaysan ee loo ballansan yahay May 19, 2018.

Waxa uu sheegay in arday gaaraysa ilaa 1,400 (kun iyo afar boqol) ay imtixaanka seegi doonaan:

“Waxaa xusid mudan in fatahaadda webiga Shabeelle dartiis uu dib u dhacay 1,400 oo arday oo sanadkan imtixaanka geli lahayd magaalada Baladweyne, waxaan ardaydaa u ballanqaadaynaa inaanuu dib u dhacani saameyn ku yeelan doonin natiijadooda iyo deeqihii Waxbarasho ee ay heli lahaayeen, iyadoo marka ay xaaladdu caadi ku soo laabato ay imtixaankooda geli doonaan.”, ayuu yiri Wasiir Cabdiraxaan.

Wasiir Cabdiraxaan, waxa uu tilmaamay in sharciga waxbaashada dalka uu waajib ka dhigayo in ardayga la qiimeeyo dhammaadka sanad dugsiyeedka:

“Sida uu qabo sharciga Waxbarashada Dalka Sanad dugsiyeed walba dhammaandkiisa waa in arday Kasta waxbarashadiisa la qiimeeyaa, la diiwaangeliyaa la kaydiyaa lana ogaysiiyaa natiijada Imtixaanka, sidaa daraadeed arday kasta oo dhammeystay dugsiga sare waxaa waajib ku ah inuu u fariisto imtixaanka shahaadiga ah ee Qaranka.”

Si kastaba, Magaalada Beledweyne April-tii la soo dhaafay ayaa waxaa ku soo rogmaday daadad dhanka webiga Shabeelle ah oo ku soo fatahay gudaha magaalada, waxaa istaagay gebi ahaanba adeegyadii bulshada oo ay Waxbarashadu ku jirtay, dadkii waxay naftooda ula carareen ceel-Jaalle oo ku yaalla duleedka magaalada.

Maandeeq FM

Show More

Related Articles

Close