WararkaWaxbarashada

10 Qof oo Ku Dhimatay Rasaas Ka Dhacday Gudaha Iskuul Ku Yaalla Taxes; Mareykanka

10 qof ayaa ku dhimatay maalintii Jimcaha weerar ka dhacay iskuul sare oo ku yaalla magaalada Santa Fe ee gobolka Texas, gudaha dalka Mareykanka.

Guddoomiyaha gobolka Greg Abbott oo qabtay shir jaraa’id oo si toos ah looga baahiyay CNN ayaa yiri: “Waxaa dhimatay 10 qof, tobon kalena way dhaawacantay”, waxa uu hadalkiisa sii raaciyay in eedaysanaha uu watay qori iyo Baastoolad nooceedu yahay 38, waxaana uu caddeeyay in hubkan uu ka soo xaday waalidii oo isagu iska lahaa.

Jariidada “Houston Chronicle” ee gudaha dalka Mareykanka ka soo baxda ayaa sheegtay in qofka xabadaha riday lagu magacaabo Dimitrios Pagourtzis waa kuray 17 jir ah, waa arday iskuulka ka tirsanaa, waxa uu safka soo dhex galay xilli ay ardaydu ku jireen xisad sawirka lagu baranayay, waxaanuu la dhacay xabado iyo bambooyin.

Jariidada oo soo xiganaya qof ka tirsanaa waaxda ammaanka ayaa waxa u sheegay : “Markii boolisku ay gaareen goobtii uu weerarku ka dhacay waxaan aragnay meel kasta in uu dhiig daadsan yahay.. waxaa cad in uu adeegsaday bambooyin, aanan gareyn inta ay gaarayaan.”

Sida ay sheegayso jariidada “Houston Chronicle“, qofkan dhacdada gaystay ayaa waxa uu bartiisa Facebook ku faafyay sawirrada ay ku qoran yihiin Born To Kill (Waxaan u dhashay inaan wax dilo)

Trump: “Waa dhacdo qalbiga gilgileysa”

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo dhacdadan ka hadlay ayaa sheegay iney tahay mid “Qalibiga gilgileysa”, waxa uu sheegay in heer Federaal  iyo mid gobolba loo xallin doono raadka ay dhacdadani reebtay.

Trump waxa uu carrabka ku adkeeyay in intii karaankooda ah ay ka shaqeyndoonaan ammaanka iskuullaadka, hubkana laga dheerayn doono gacanta kuwa khatarta ku ah naftooda iyo dadka kale.

CNN ayaa sheegtay in dhacdada  Santa ay tahay tii 22aad ee sanadkan 2018 ka dhacday iskuullaadka Mareykanka, dhacdadii ugu dhiigga badneyd waxay ahayd tii Florida ee ay ku dhinteen 17 qof, 15 kalena ay ku dhaawacmeen.

Maandeeq FM

Related Articles

Close