TiknoolojiyadaWararkaWaxbarashada

4 Sababood oo Kugu Riixaya Inaad Isticmaasho Adeegga “Google Docs”

Shirkadda Google waxay macaamiisheeda u fidisaa adeegyo farabadan waxaa ka mid ah “Google Docs” oo ah adeeg internet-ka laga dhex helo oo shabaha “Microsoft Word“, sidaas oo kale waxa uu leeyahay App aad kala soo degi karto mobile-ka oo isla barnaamijka ku saabsan.

Hadaba, waxaan idiin soo gudbineynaa sababo kugu riixaya inaad isticmaasho adeegga “Google Docs”:

1- Waa bilaash

Google Docs waa adeeg bilaash ah marka loo barbardhigo adeegyada Microsoft oo lacag u badan, qofka isticmaalaa uma baahna inuu wax lacag ah ku bixiyo.

2-Si sahlan ayaad ku gaari kartaa

Qofka doona inuu isticmaalo Google Docs si sahlan ayuu ku gaari karaa meel kasta oo uu adduunka ka joogo, waxaa lagaa doonayaa oo qura inuu G-mail-kaagu furan yahay.

3-Keydin degdeg ah

Mishkiladaha ugu caansan ee Word lagala kulmo waxaa ka mid ah; marka aad wax ku qoreyso oo korontadu kaa tagto aaney suuraggal kuu ahayn inaad soo ceshato qoraalkaagii aad gacanta ku haysay, laakiin Google Docs si degdeg ah ayuu kuugu kaydinayaa oo wax kaa lumayaa ma jiro.

4- Google oo aad wax ka baaran karto

Waxaad si sahlan wax uga baaran kartaa Google adigoon u baahan inaad furato khaanad cusub, adigoo qoraalkii ku jira ayaad baaran kartaa erayga aad u baahan tahay.

Maandeeq FM

Related Articles

Close