arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Amiir Harry iyo Meghan oo Loo Dhigay Aroos Haybad leh

Amiir Harry iyo gabadha Jilaaga ah  Meghan Markle ayaa si rasmi ah isku guursaday maanta iyadoo loo dhigay xaflad haybad leh oo ay ka soo qaybgaleen dad xul ah oo laga casuumay gudaha Ingiriis iyo dad caan ah dunida oo lagu daray boqolaal kun oo qof oo ku soo qulqulay Windsor Town si ay ugu hambalyeeyaaan Arooska iyo aroosadda.

Arooska waxaa ka soo qaybgalay sidii la filayay boqoradda Elizabeth ll iyo Amiir Philip oo ah saygeeda, Amiir Charles oo ah aabaha Harry ayaa aroosadda gacanta oo u galay booskii aabaheed, maadama aabaheed sida la sheegay qalliin dhanka wadnaha ah uu kaga maqnaa arooska.

Arooska waxaa ku dhammaa qoyska boqortooda oo aan u kala harin, halka abmiir William uu arooska ka ahaa malxiis.

Arooska waxaa kale oo ka soo qaybgalay koox ka tirsan xidigaha fanka iyo sports-ka oo ay ka mid ahaayeen, heesaaga Elton John oo saaxiib dhow la ahaa Dian oo dhashay amiir Harry, waxaa kale oo ka mid ahaa David Beckham iyo xaaskiisa Victoria, George Clooney iyo xaaskiisa Amal, barnaamij soo jeediyaha reer Ingiriis ee James Gordon, laacibadda dhanka tennis-ka caanka ku ah ee Serena Williams.

Sidaas oo kale waxaa aroos ka soo qaybgalay saaxiibadii Meghan Markel ee ay isla jileen musalsalkii ugu dambeeyay ee ay sida aadka ah ugu soo caan baxday.

Markii munaasabadda arooska ay dhammaatay ayaa Harry iyo Meghan waxay qaateen naaneysta ah “Duke and Duchess of Sussex”, waxay ku soo wareegeen waddooyinka Windsor si ay u salaamaan boqolaal kun oo ka yimid daafaha kala duwan ee dunida, si ay uga qaybgalaan munaasabadda arooska, Harry iyo Meghan.

Maandeeq FM

Related Articles

Close