WararkaWaxbarashada

Imtixaankii Shahaadiga ee “F4” oo Maanta Ka Bilaabanaya Inta Badan Gobollada Dalka

Waxaa maanta la filayaa in uu bilowdo imtixaanka Midaysnaa ee ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ka dhici doona min Gaalkacyo ilaa Kismaayo.

Arbacadii la soo dhaafay ee May 16, 2018, Wasaariirka Waxbarashada XFS C/raxmaan Daahir Cismaan oo shir jaraa’id ku qabtay magalaada Muqdisho ayaa xaqiijiyay in Sabtida maanta ah ay tahay maalinta loo fariisan doono imtixaanka midaysan oo ka dhacaya Afar dowlad-goboleed iyo gobolka Benaadir, iyadoo imtixaanka ay u fariisan doonaan ardayda gaareysa ilaa 26,600 oo arday, waa sida ay sheegtay Wasaaradda Waxbarashada.

Dhanka kale, magaalada Muqdisho ayaa la  arkayay ardayda oo u dareeraysa goobahii ay imtixaanka ku geli lahaayeen oo ku kala firirsan daahafa kala duwan ee magaalada.

Si kastaba, Sanadkan ayaa ah sanadkii 4-aad oo si xiriir ah loo qabanayo imtixaanka Midaysan ee shahaadiga f4 oo ka dhacaya laga soo bilaabo Gaalkacyo ilaa Kismaayo.

Maandeeq FM

Related Articles

Close