WararkaWaxbarashada

Ra’isul-wasaare Kheyrre oo Si Rasmi ah u Daahfuray Imtixaankii Midaysnaa ee “F4”

Ra’isul-wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray imtixaanka “F4” ee ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Waxbarashada.

Ra’isul-wasaaraha oo ay weheliyaan Guddoomiyaha Gobolka Benaadir Engineer ‘Yariisow‘, Wasiirka Waxbarashada Cabdiraxaan Daahir Cusmaan iyo Wasiiru-dowlaha wasaaradda waxbarashadda Cabdiraxmaan Axmed Cabdulle ayaa imtixaanka ka daahfuray iskuulka 15 May oo ay booqdeen.

“Marka ugu horreysa waxaan u mahadcelinaayaa Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Wasiiru-dowlaha, Wasiir-ku-xigeenka, Dhammaan howlwadeennada Wasaaradda Waxbarashada, waxaan u mahacelinayaan guddoomiyaha gobolka Benaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, waxaan u mahadcelinayaa ciidamada amniga qaranka Soomaaliyeed, waxaan joognaa iskuulka 15 May, oo ah iskuul dalka caan ku ah oo la yaqanno, halkan oo aan ku daahfurnay imtixaankii sanad dugsiyeedka oo ay u fadhiyaan maanta arday ku dhow 28kun waddanka badankiis, intaas in ka badan ay maalmo ka hor galeen, waxay ka tarjumeysaa in sanadkani uu yahay sanadkii ugu badnaa ee arday Soomaaliyeed ay imtixaan u fariisato.”, ayuu yiri; Ra’isul wasaaraha oo la hadlay saxaafadda.

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay: “Waxbarashadu sideedaba waa qeybta ugu muhiimsan horumarka waddanka, in wax la barto waa dib u dhiska qaranka udub dhaxaadkeeda, imtixaanka loo fadhiya waxaan Illaahay uga baryaayaa ardayda u fadhida in Illaahay u fududeeyo, waxaan aad ugu mahadcelinayaa aabayaashii iyo hooyooyinkii ka soo shaqeeyay iney caruurtooda soo gaarsiiyaan halkan, annaguna ka dowlad ahaan waxaan ku dadaali doonnaa, si arday walba mustaqbalka uu fursad u heli lahaa”.

Si kastaba, waxaa maanta si rasmi ah uga furmay gobollada kala duwan ee dalka imtixaankii shahaadiga ee “f4” oo sanadkan ay u fariisteen illaa 26,000 oo arday oo ku galaya min Gaalkacyo ilaa Kismaayo.

Maandeeq FM

Related Articles

Close