arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Ardayad Muslimad ah oo Xijaabkeeda Kaga Caraysiisay Wasiirka Arrimaha Gudaha Faransiiska.. “Sidan Sidii Aan Dooneynay Maaha”

Wasiirka arrimha Gudaha Faransiiska Gerard Collomb ayaa Jimcihii May 18 sheegay ardayday ka tirsaneyd Midowga ardayda ee caasimadda Paris oo ka soo dhex muuqatay telefishinka iyadoo xijaaban in arrinaasi ay tahay “Arrin ay lama filaan ku noqotay” maadama aanuu filayn iney sidani ka dhici karto gudaha dalka Faransiiska.

Isagoo ka hadlayay barnaamij telefishin “BFMTV” oo lagu casuumay ayuu sheegay in arrintani ay lagama maarmaan ka dhigayso in la muujiyo nooca stile-ka uu faransiiku doonayo.. waxaa cad in da’yarta Muslimka ah ay doonayaan iney galaan dagaal dhanka dhaqanka ah.”, ayuu yiri wasiirka oo diidanaa in ardayd xijaaban ay afhayeen u noqoto ururka midowga ardayda ee Paris.

Wasiirka ayaa isweydiiyay in Muslimiintu ay doonayaan ugu dambeyn iney ku dhex milmaan dhaqanka Faransiiska iyo in kale, waxa uu yiri: “Waxaan aad uga shaki sanahay oo aan u haystaa in dhalinyarada qaar ay u janjeeraan aragtida Daacish, waxaa lagama maarmaan ah inaan galno doodo dhaqan ah oo ballaaran, si aan u gaarno Islaam casirga la jaanqaadi kara, Islaamka dib u dhaca ahana aan kaga hortagi lahayn.”

Sidaas oo kale waxaa ardayaddan weerar dhanka afka ah ku soo qaaday Marlene SHIAPPA Wasiirka Arrimaha Sinnaanta ee Faransiiska ayaa tiri, in gabar xijaaban ay telefishin ka soo muuqato dhibaato ma laha, laakiin in midowga ardaydu ay gabar xijaaban u doortaan afhayeen, waa sida ay warbaahinta Faransiisku qoreen.

Ururka Midowga ardada Faransiiska ayaa difaacay Maryan, waxay cambaareeyeen “Erayda karaahiyada leh” ee ka soo yeeray Wasiirka arrimaha gudaha ee lagu faafiyay Baraha-bulshada. Guddoomiyaha ururku waxay sheegtay iney cilmaaniyadda difaacayaan, laakiin aaney u suuragaleyn iney qof uga horistaagaan shaqada bulshada dhaqankiisa dartii.

Maandeeq FM

Show More

Related Articles

Close