WararkaWaxbarashada

Daraasad Cusub oo Ay Ka Qaybgaleen 670 Kun oo Qof: Waa Tan Da’da Ugu Habboon Ee Lagu Barto Luqad Cusub

Waa tee da’da ugu habboon ee lagu barto luqad cusub? Su’aashan ayaa waxaa looga jawaabay daraasad ballaaran oo ay ka qaybgaleen Boqolaal kun oo qof, natiijadeeduna ay noqotay in da’da ka yar 18-jirka ay suuraggal u tahay iney luuqad cusub ubartaan sida ugu wanaagsan.

Bilowgii May 2018, ayaa mac’hadka Massachusetts Institute of Technology “MIT” uu soo saaray natiijada daraasad ballaaran oo daaha looga rogay marxaladda ugu wanaagsan ee Luqad cusub lagu baran karo, cilmi-baarayaasha waxaa u soo baxday in waqtigii hore loo aaminsanaa muddo ka dheer ay suuraggal tahay inuu qofku si wanaagsan u barto luqad ajinabi ah oo ku cusub. Waxaa horey loo aaminsanaa in yaraanta hore ay wanaagsan tahay, halka 5 jirku uu astaanta ugu fiican ahaa.

Joshua Hartshorne oo ka mid ahaa cilmi-baarayaashii daraasaddan sameeyay ayaa sheegay in natiijada ay gaareen ay tahay in caruurto ay “xariif ku noqdaan” barashada luqadda cusub ilaa ay ka gaaraan da’da 17 ama 18 jirka, wixii taa ka dambeeysana awoodahoodu ay hoos u sii dhacayso marba marka ka sii dambeysa.

Waxaa sidaas oo kale daraasaddan lagu ogaaday in aaney suuraggal ahayn in qofku uu luqadda ugu hadlo sida dadka u dhshay oo kale illaa uu barashadeeda bilaabo 10-jir da’da ka yar.

“Ma aanan arkin kala duwanaanshiyo sidaa u sii weyn dadka barashada luqadda xilli hore oo Toban jirka bilaabo iyo kuwii u dhashay, laakiin wixii intaa ka weyn xoogaa farqi ah ayaan dareennay.” Ayuu yiri Hartshorne.

Cilmi-baarayaasha ma aaney u suuraggalin iney ogaadaan sababta dhabta ah ee ka dambaysa in da’da ugu wanaagsan ee barashada luqadda cusub ay noqoto 18-jirka iyo wixii ka hooseeya, laakiin waxay sheegeen iney u haystaan isbedel biologically qofka ku imaaneysa iyo sababo dhaqanka la xiriira iney tahay.

Maandeeq FM

Related Articles

Close