WararkaWaxbarashada

Imtixaankii Shahaadiga ee “F4” oo Maanta Baaqday

Sida ay wararku nagu soo gaarayaan, waxaa maanta baaqday imtixaankii shahaadiga ee “F4” ee ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Waxbarashada XFS, roob mahiigaan ah oo ka da’ay magaalada Muqdisho oo keenay in ardayda badan ay u suuraggeli weydo iney gaaraan goobihii imtixaanka waqtigii loogu talogalay.

Sida uu noo sheegay arday ka mid ahaa ardaydii imtixaanka gelaysay oo aan la kulannay lana yiraahdo Dalmar Cabaduqaadir Jimcaale, waxaa maanta baaqday imtixaankii shahaadiga ah ee “F4”:

“Saaka markii aan ka baxay guriga anigoo u socda xaruntii aan imitaixaanka ku geli lahaa, roob xoogleh ayaa da’ayay, waxaan go’aansaday inaan lug ku aado maadama biyihii badnaa ee jiray gaadiidkii ay ka dhaqaaqi waayeen, waxaan wadada iska sii helnay arday aan isku xarun ku gelayannay imtixaanka, markii aan xaruntii iskuulka gaarnay iyadoo roobku uu xoog u da’ayo, waxaa nagu adkaatay in waardiyihii naga furan, markii gudihii naloo oglaaday xooganaha aan joognay, ayaa waxaa nasoo gaaray koore ka socday waxaadna oo noo sheegay in maanta uu imtixaankii baaqday.”

Dhanka kale, sida ay qortay wakaaladda wararka ee SONNA Wasiirka Waxbarashada XFS  C/raxmaan Daahir Cusmaan ayaa sheegay in imtixaanka loo baajiyay roob mahiigaan ah oo ka da’day Muqdisho iyo qaar ak mid ah gobollada dalka.

Sida uu jadwalku ahaa waxaa maanta loo ballansaa maaddooyinka Kimistari iyo Ingiriis labadaa maaddo waxaa la filayaa iney ardyadu dib ka galaan, teeda kale imtixaanka oo sida qorshaysneyd ku ekaa May 23, ayaa loo baahan doonaan maalmo dheeri ah oo jadwalka lagu kordhiyo.

Si kastaba, Magaalada Muqdisho ayaa waxaa imtixaanka u fariisaneysay 21,000 oo arday oo ku galaysay illaa 62 xarumood oo ku kala firirsan magaalada, imtixaanka oo ahaa mid midaysan darteed, waxay saameysay gobolladii kala duwan ee dalka ee imtixaanka laga geli lahaa, laga soo bilaabo Gaalkacyo ilaa Kismaayo.

Maandeeq FM

Related Articles

Close