arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Shirkad Japanese Ah oo Ka Cudaddaaratay Tareen Ay Lahayd oo Boosteejada Ka Dhaqaaqay 25 Ilbiriqsi Ka Hor Waqtigii Loogu Talagalay!

Shirkadda Japanese ah oo la yiraahdo “rail company” ayaa ka cudaddaaratay tareenka shirkadda oo ka dhaqaaqay boosteejada 25 ilbiriqsi ka hor waqtigii loogu talagalay.

Sida ay qortay BBC, dhacdadan ayaa ah tii Labaad ee dalka Japan ka dhacda muddo bilooyin ah gudahood.

Dhacdadan oo dhacday Isbuucii la soo dhaafay ayaa gudaha dalka Japan ka dhalisay guux farabadan, maadaama ballanta ay dadku aad ugu adag yihiin, warbaahinta ayaa shirkadda aad u dhaleecaysay, waana tan ku khasabtay iney ka cudaddaarato.

Madax shaqaalaha shirkadda ayaa yiri “Dhibaatada aan u keennay macaamiisheenna mid marmarsiiyo loo heli karo maaha.”

Sida uu qoray wargeysay Japan Today, darawalkii tareenka ayaa waxa uu go’aansaday inuu dhaqaajiyo kadib markii uu waayay wax rakaab ah oo dibadda tareenka taagan, xilli uu markaa taagnaa boosteejada Notogawa, sida qorshuhu ahaa tareenka ayay ahayd inuu dhaqaaqo 07:12, halka uu darawalku dhaqaaqay 07:11.

Markii albaabka tareenka la xiray daqiiqad ka hor xilligii loogu talagalay, ayaa darawalkii  arkay inuu khaldan yahay, laakiin hareerihiisa ayuu eegay oo wax uu ka waayay rakaab dibadda taagan, waxa uu go’aansaday inuu iska dhaqaajiyo oo ilbiriqsi kale aanuu cidna sii sugin, boostajadii marka uu ka dhaqaqay waqtigii loogu talagalay waxaa ka harsanaa 25 ilbiriqsi!

Waxaa xusid mudan, in dalka Japan treenku waqtigiisa aad loo ilaaliyo iyadoo dowlado badan oo dunida ka tirsan ay majeertaan heerka ballamaha iyo waqtiga sida looga ilaaliyo dalka Japan.

Maandeeq FM

Show More

Related Articles

Close