WararkaWaxbarashada

Cilmiga oo Ka Jawaabay.. Dhibaatooyinka Ay Leedahay Marka Biyaha “Taagnida” Lagu Cabbo

Dadka waaweyn waxay inta badan ku taliyaan in biyaha aan taagnida lagu cabbin, laakiin waxaa yar in taladaasi muhiimadda ay leedahay lagu baraarugo, dadka qaar ayaa aaminsan in taladaasi tahay khuraafaad aan sal iyo raad toona lahayn.

Sida uu qoray website-ka “Sky Bold“, biyaha oo taagnida lagu cabbo, waxay laga dhaxlaa dhibaatooyin caafimaad oo farabadan, sidaa darteed waxaa habboon inta aadan biyaha cabbin inaad fariisato.

Khubarada caafimaadka ayaa waxay inagu baraarujinayaan in biyaha oo taagnida lagu cabbo uu dhibaato u keeno hunguriga, waxaa dhaawacyo soo gaarayaa “sphincter” hungirmareenka  oo ah muruq isku xira caloosha iyo hunguriga.

Biyaha oo taagnida lagu cabbo waxa uu keenaa calool majiir, marka uu qofku fadhiyo xubnihiisu waxay ku jiraan xaalad nafis ah, si ka duwan marka uu qofku taagan yahay.

Biyaha oo taagni lagu cabbo waxa ka dhasha kalyo-xanuun, kalyihu si wanaagsan biyaha uma safeeyaan xilligaas, waxaa dhici karta qashin aan loo baahneyn inuu dhiigga gaaro, markii xaaladdu ay sii xumaato waxay keeni kartaa kalyaha oo fariista.

Mararka qaar biyaha oo taagni lagu cabbo waxa ay keentaa kalagoysyada oo caabuqa, waxay jirka ku yareysaa faa’iidada dareeraha, acids-ka way ku yareysaa.

Maandeeq FM

Show More

Related Articles

Close