WararkaWaxbarashada

Iskuul La Baaro “Wejiga” Ardayga 30 ilbiriqsiba Mar!

Iskuul dugsi sare ah oo ku yaalla dalka Shiinaha lana yiraahdo Hangzhou No.11 ayaa soddonkii Ilbiriqsiba mar la baaraa wejiga ardayga, si loola socdo howlaha ay qabanayaan ardayda inta ay joogaan Iskuulka, waana tan keentay in dadbadani ay dhaleeceeyaan in aalado si aad ah loogu isticmaalo dhanka waxbarashada.

Sida ay qortay jariidada “Business Insider“, iskuulka oo ku yaalla magaalada Hangzhou ee galbeedka dalka Shinaha ardayda ayaa wejigooda la baaraa 30 ilbiriqsiba mar!.

Qalabkan cusub ayaa aqoonsanaya wejiga ardayda, waxaa kale oo uu la soconayaa xaaladdiisa inuu isku dhex yaacsan yahay ama uu baqayo, xitaa haddii uu gamaanyoodo sawirro ayey si degdeg ah uga qaadaysaa.

Qalabka aqoonsiga wejiga ayaa si aad ah ugu faafsan dalka Shiinaha, waxaa loo adeegsadaa ka hortagga dambiyada, iyadoo kaamirooyinku ay si gaar ah u ugaarsadaan dadka dhaqamadooda laga shakiyo marka ay waddooyinka marayaan.

Dhanka Waxbarashada, waxaa qalabkan loo adeegsdaa dhanka maqaayadaha iyo maktabadaha iskuulaadka, intii mar kasta ardaygu ku khasbanaan lahaa inuu la soo baxo aqoonsigiisa ayaa loo howl fududeeyay oo horey ayey kaamirado ka garaneysaa cid kasta oo ku soo dhex dhuumata.

Si kastaba, Kaamirooyinka meel walba ku xiran ee ardayda iskuulkan lala dabataagan yahay ayaa dhaleecayn xoog leh loo soo jeediyay, iyadoo dadka ka soo horjeedaa ay leeyihiin waxay dhibaato ku tahay khusuusiyaadkii ardayga oo aan helayn nafsi, maadaama uu dareemayo in xilli kasta kaamiro lala daba taagan yahay.

Maandeeq FM

Related Articles

Close