arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Pakistan: Aabbe Wiil uu Dhalay Kala Baxay Labada Indhood

Aabbe Pakistani ah oo garab ka helaya wiilal uu dhalay ayaa Labada indhood ka bixiyay Abdul Baqi oo ah wiil kale oo uu dhalay, isagoo isticmaalaya qaandada wax lagu cuno kadib markii uu ku adkaystay inuu guursanayo gabar uu jeclaa.

Abdul Baqi oo (22 jir) ah kana soo jeeda deegaanka Nasirabad ee gobolka Balochistan gudaha dalka Pakistan, ayaa sheegay inuu qoyskiisa ku wargeliyay inuu guursanayo gabar uu jeclaa, laakiin aabihii uu diiday, guri uu ku xiray isagoo kaashana Afar wiil oo la dhashay, intaa looguma simin ee labadii indhood ayaa laga saaray, kadib markii hooyada qol goonni ah lagu xiray si aaney u badbaadin wiilkeeda.

Adul Baqi ayaa aabihii ka codsaday inuu dilo oo uu israaciyo maadama uu indhihii waayay, laakiin aabaha ayaa ugu jawaabay kuma dilayo waxaan doonayaa iney kugu cibro qaataan dadka kale ee deegaanka.

Booliska ayaa dhacdadan baaritaan ku haya kadib markii ay qabteen aabaha iyo labo ka mid ah wiilashii ku garab siiyay dhacdada, halka la raadinyo labo kale oo baxsad ah.

Maandeeq FM

 

Related Articles

Close