CaafimaadkaWararkaWaxbarashada

Daraasad: Caanaha Ha La Cabbo Cunnada Ka Hor

Caanaha oo la cabbo cunnada ka hor waxey hoos u dhigtaa dhiigkarka, caafimaadka xiidmahana wey xoojisaa, waa natiijo laga gaaray daraasad dhawaan soo baxday.

Cilmi-baarayaal ka tirsan Jaamacadda Wisconsin-Madison ayaa waxey ka codsadeen 60 dumar ah iney cabbaan 350g oo caano ah oo dufanku ku yaryahay cunnada ka hor.

Khubaradan ayaa waxaa u soo baxday xitaa dumarka hilibka iyo kaarbohidraate farabadan qaatay in caanuhu ay ku garab siiyeen in uu meesha ka baxo caabuqa ka dhasha dufanka adag.

Dr. Brad Bolling oo daraasaddan hoggaaminayay ayaa yiri: “Waxaan aragnay saameyn degdeg ah muddo 9 isbuuc ah.”, waxa uu intaa sii raaciyay in caano fadhiga uu ku jiro wax-soo-saarka ugu muhiimsan ee lagula dagaallamo caabuqyada khatarta ah.

Caabuqyada Chronic-ga ah ee ku dhaca caloosha waxey xiriir la leeyihiin buurnida, cudurrada dheefshiidka, cudurada wadnaha iyo xididada dhiigga.. iyo kuwo kale.

Khubaradu ma aaney sheegin qiyaas xadidan oo isticmaalka caanaha aan la dhaafi karin maalintii.

Maandeeq FM

Related Articles

Close