WararkaWarbixinnoWaxbarashada

Warbixin: Labo Dhibaato oo Iskugu Biiray Ardayda Ka Qalin-jabineysa Dugsiyada Sare ee Dalka

Ardayda sanadkan ka qalin-jabineysa dugsiga sare ayaa waxaa isku biirsaday dhibaatooyin farabadan, waxaa ugu waaweyn labo cid aan waalidkood ahayn oo ka garab siineysaana aaney jirin.

Labadaa dhibaato ayaa waxey kala yihiin; kharashaad tiro badan iyo imtixaanno labo ilaa Seddex ah oo ardayga lagu soo rogo xilliga uu  ka qalinjabinayo dugsiga sare. Imtixaannadu waa kuwo is xig xiga, kharashaad farabadan oo ay ku jiraa 3 bilood oo horumaris ah, lacagta imtixaanka iskuulka, dallada, Wasaaradda oo ay u sii raacsan tahay in laga sii hor mariyo lacagtii xafladda qalinjabinta oo isagoon ogaan natiijada imitixaanka inuu guuleystay iyo in kale laga sii horumariyo!.

Hadaba, waxaan makarafoonka la dhex qaadnay ardayda qaar oo ka cabaneysa dhibaatooyinka ay qabaan ee walwalka ku haya, si kastana ay lagama maarmaan tahay iney xal u helaan maadaama sannooyin badan kadib ay ay joogaan xilligii ugu xasaasiyadda badneyn ee kala guurka marxaladaha waxbarasho.

Cusmaan Cabdullahi Aadan oo ah arday sanadkan ka qalinjabinaya iskuulaadka oo ka hadlaya dhibaatooyinka ay qabaan, ayaa waxaa hadalkiisii ka mid ahaa “ Marka aan Iskuulka dhamayneyno waxaan la kulannaa culaysyo, kuwaas oo Labo dhinac ah, [waxayna kala yihiin yihiin] dhanka Imtixaanaadka oo maskaxda culeys naga saara iyo dhanka dhaqaalaha oo nalagu kordhiyo waxaan galnaa saddex Imtixaan oo kala ah midka iskuulka, dalladda iyo wasaaradda waxbarashada waxaana nalga qaadaa lacago badan”.

Salmaan Maxamed  Cabdullahi waa arday waxaa uuna ka hadlayaa, dhankiisa, dhibaatada ay ku qabaan ardayda Imtixaannada badan oo ay ka qaadaan Iskuulaadka, Dalladaha iyo Wasaaradda Waxbarashada waxaa uuna yiri:

“Marka aad galaysid saddex Imtixaan waxaa ku dilaya walwal ah kan miyaa ku baasee mise kan ayaad ku dhaceen, waxaa jira culays dhanka dhaqaalaha ah oo Iskuulka waxaa laga yaabaa lacag badan inuu kaa qaado hadhowna aadna awoodin inaad iska bixiso lacagaha kale ee Dalladda iyo Wasaaradda, maxaa yeelay saddex lacag halmar mawada dhiibi kartid Waalidkana waxay ku noqoneysaa culeys”.

Xuseen Siciid ayaa dhankiisa sheegay in walwalka ugu badan ee haystaa aanuu imtixaankana faraha badan ahayn ee uu yahay lacagaha soo noqnoqday ee tirada baradan:

“Kharashaad soo noqda, lacag horey naloogu sheegay dowladda ayaa rabto oo $30 horey nalooga qaaday bishii Janaayo, Saddex bilood oo la sii horumarinayo fiiga iskuulka oo midna aan iskuulka waxbarasho aanan ku qaadaneyn, maadaama aan qalinjabineyno, wax dhibaato ah kuma qabo imtixaanaadka tirada badan, waxaa walwalka igaliyey lacagtaa tirada badan halka laga keenayo.”

Dhanka kale, Amino Cumar oo ka mid ah hooyooyinka ay caruurtoodu ka qalinjabineyso dugsiga sare oo la hadashay Maandeeq FM ayaa tiri: “Saddexda bilood ee soo aaddan lacagtii wey naga sii qaateen[iskuulka], wixii ay qaadan jireen waxbay ku kordhiyeen, $120 ayaan ka bixiyey hal wiil, dhibaato fikir iyo walwal ayey igu ahayd.”

Cali Salaad Axmed ‘Cali Ubax’ oo ah madaxa kormeerka Dalladda Waxbarashada ee Fenps oo aan wax ka weydiinnay waxay kala socdaan culeyska faraha badan ee ardayga la saaro xilliga uu ka qalinjabinayo ayaa sheegay iney arrintaa si gaar ah iskuulaadka uga kormeeraan, maadaama aaney ahayn xilligan lagu jiro in culeyska inta le’eg la saaro arday Soomaaliya jooga, maadaama aaney dadku waxbadan aaney is dhaamin oo ay dan yar u badan yihiin.

Si kastaba, lama oran karo iskuulaadku waa isku wada mid, waxayse u badan yihiin kuwo ardayga culeys badan saara xilliga qalin-jabinta, waxaa ka mid ah oo aan ogaannay inta aan xog uruurinta warbixintan ku jiray, kuwo ardayda lacago farabadan ka qaada, si xafladda qalin-jabitooda loogu qabto Hotel caan ah oo iskuulku isku muujinayo.

Ugu dambeyn, Somaliland iyo Puntland dhibaatadani kama jirto, ardaygu waxa uu galaa hal-imtixaan oo Wasaaradda Waxbarashadu ka qaaddo, ciddii ku dhacdaa fursad kale ma laha oo aan ahayn iney sanadka kale soo dadaalaan, waxbarashada dalka laga soo bilaabo Gaalkacyo ilaa Kismaayo waxey u baahan tahay in hoos loo eego oo culeyska tirada badan laga dabciyo ardayga.

Maandeeq FM

Related Articles

Close