arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Wasiir Denmark Ah oo Muslimiinta u Sheegtay: Soonkiinnu Khatar Ayuu Nagu Yahay!

Wasiir Denmark caanka ah oo lagu yaqaanno mowqifkeeda adag ee ay kaga soo horjeeddo dadka muhaajiriinta ah ayaa muslimiinta ka codsatay iney fasax shaqo qaataan inta lagu gudaha jiro bisha barakeysan ee Soonka.

Wasiir Inger Stojberg oo ka tirsan xisbiga Liberal-ka ayaa Isniintii tiri, in cunnada iyo cabista laga joogsado mudadaas dheer “Innaga oo dhan ayey khatar nagu tahay.”

Maqaal ay ku qortay jariidada BT tabloid ayaa waxey ku sheegtay: “Muslimiinta waxaan ugu baaqayaa iney fasax shaqo qaataan inta lagu guda jiro bisha Ramadaan, si looga fogaado saameynta aan wanaagsaneyn ee ay ku keeni karto bushada Denmark inteeda kale.”

Waxey hadalkeeda sii raacisay: “Waxaan isweydiinayaa haddii waajib diini ah oo tiir ka mid ah tiirarka Islaamka ah oo cimrigiisu yahay 1400 sanno ka hor, uu la jaanqaadi karo bulshada iyo suuqa shaqada ee gudaha Denmark sanadka 2018.”

Waxey maqaalkeeda ku sheegtay iney ka baqdin qabto in Soonku uu saameyn ku yeesho “Nabadqabka iyo wax-soo-saarka”, waxeynta tusaale u soo qaadatay darawalka gawaadhida waaweyn “oo aan wax cunin waxna cabbin muddo 10-saacadood ah.”

Stojberg waxay tiri: “Arrintaasi innagoo dhan ayey Khatar nagu noqon kartaa.”

Wasiirkan ayaa sanadkii hore waxey kicisay mowjado muran ah mar ay “Facebook” ku faafisay sawirro ay muusooneyso xilli ay gacanta ku haysatay gobol xalwo ah si ay ugu dabbaaldegto qodobka 50aad ee lagu adkeeyay qawaaniinta dadka magangalyo doonka ah.”

Denmark ayaa 15-sano ee la soo dhaafay adkaysay siyaasadaha dadka muhiijiriinta lagu qaabilo, waxaa lagu soo rogay iney bartaan caadooyinka waddanka, Luqadda si loo hubiyo iney la qabsan karaan suuqa shaqada iyo in kale.

Maandeeq FM

Show More

Related Articles

Close