arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Arooskeedii Dhaqamada Qaar Ayaa La Jabiyey.. 10 arrimood oo Ka “Mamnuuc” ah Meghan Kadib Markii Ay Noqotay Duke

Jariidada The Sun ee ka soo baxda dalka Ingiriiska ayaa qortay qawaantiina ay ku socon doonto “Meghan Markel” kadib guurkeedii amiir Harry.

Iyadoo ay jirto in arooskeedii la jabiyey dhaqamo badan oo qoyska reer boqor horey ugu yaallay  ayaa hadana waxaa ka mamnuuc ah illaa 10 arrimood oo aan la ogoleyn iney ku dhaqanto kadib markii ay noqotay Duke.

  1. Looma ogolada sawir “Selfie” ah iney gasho

Xilliyadii hore waxey taageerayaasheeda la geli jirtay sawirro Selfie ah, laakiin hadda markii ay ka mid noqotay qoyska reer boqor looma ogola iney cidna la gasho sawir Selfie ah.

  1. Iney kaligeed socoto

Xilli kasta waxaa la socon doona ciidamada amniga oo si xoogleh u ilaalinaya, sidaa darteed lama ogola iney kaligeed iska baxdo.

  1. Isticmaalka Baraha-bulshada

Barihii uga furnaa dhanka internet-ka bilooyin ka hor ayaa la xiray, looma ogola iney si gaar ah u isticmaasho Baraha-bulshada, haddii ay dooneyso waxey isticmaali karta barta Instagram ee qoyska ka dhaxaysa “@Kensingtonroyal“.

  1. Doorasho kama qaybgali karto
  2. Ciddiyaha midabadda madowga ah ma marin karto

Sida uu dhigayo baratakoolka u yaalla qoyska reer boqor ciddiyaha oo la midabeeyo ama kuwo macmal ah oo la xirto waxey hareer marsan yihiin aadaabta qoyska, waxey aaminsan yihiin inaaney u qalmin, sidaa darteed ciddiyahood waxey u xushaan midabbo u dhow haragga jirka.

  1. Saxiix looma ogola

Xubin ka tirsan qoyska reer boqor looma ogola inuu taageerayaashiisa saxiix siiyo, waxaa laga doonayaa inuu yiraahdo “Waan ka xumaha, la iima ogola inaan saxiix ku siiyo.”. laakiin waxaa loo ogolyahay iney saxiixaan buugaagta dadka ka soo qaybgala kulamada rasmiga iyo docomentiga rasmiga ah oo ay saxiixi karaan.

  1. Iney boqoradda ka horseexato looma ogola

Marka aad qasriga boqoradda joogto, xitaa martida ayaaney u habbooneyn iney hurdo aadaan inta aaney boqorraddu seexan ka hor.

  1. In dareenka Jacayl dadka hortooda lagu muujiyo

Iyadoo ay jirto in marar badan la arkayay   Meghan Markel iyo Amiir Harry oo ay gacmahoodu isku jiraan, ayaan hadana xubnaha qoyska reer boqor aan loo ogoleyn iney dareenkooda jacayl dadka hortooda ka muujiyaan.

  1. In Lugaha ay is kor saarato

Iyadoo aaney ku jirin shuruucda aasaasiga ah ayaa hadana waxaa habboon xubnaha qoyska reer boqor inaaney lugaha is kor saaran xilliga fadhiga.

  1. In hoolka u horgasho

Waxaa jira hab kala horreyn ah oo  xiriir ah oo aan la jabin karin marka hoolalka la galayo xilliyada ay jirto munaasabadaha rasmiga ah, sidan ayaa loo kala horreeyaa: Boqoradda Elizabeth ll, Amiir Philip, Amiir Charles, Camilla, Amiir William, Kate Middleton, Amiir Harry iyo  Meghan Markel.

Maandeeq FM

Related Articles

Close