arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Baasaaboorrada Ugu Awoodda Badan Dunida 2018… Soomaliya Kaalintee Ayey Kaga Jirtaa?!

Warbixin cusub oo laga soo saaray Baasaaboorrada ugu awoodda badan dunida oo ay soo saartay hay’ad ku takhsustayMuwaaddinimada iyo qorshaha, ayaa Talaadadii daaha ka rogay baasaaboorrada ugu awoodda badan dunida sanadka 2018, dalka Japan ayaa ugu horreya liiska.

Warbixinta oo ay soo saartay Henley Passport Index ayaa waxa loo adeegsday xog ka soo baxday  Hay’adda Caalamiga ah ee gaadiidka ee loo yaqaanno (IATA), waxaa laga eegay Baasaaboorka waddamada lagu tagi karo oo laga ogolyahay.

Kaalinta Koowaad waxaa galay dalka Japan oo dadka baasaaboorkiisa wataa ay gaari karaan 189 dowladood oo ka tirsan 218 dowladood ee dunida ka jirta, iyadoo aan loo baahan dal ku gal, Jarmalka iyo Singapore ayaa kaalinta Labaad isku haysta oo dadkoodu waxey visa la’aan gaari karaan 188-dal oo dunida ku kala yaalla.

Kaalinta 3aad waxaa qaybsaday dalalka, Finland, France, Italy, Sweden, Spain, South Korea oo dadkoodu ay visa la’aan tegi karaan 187-dal oo dunida daafaheeda kala duwan ku yaalla.

Dhanka Dalalka Afrika waxaa kaalinta Koowaad ku jira Seychelles oo adduunka ka gashay kaalinta 27aad, waxaa baasaaboorkeeda lagu tagi karaa 141-dal, waxaa kaalinta Labaad ku jira Mauritius oo lagu aadi karo 134-dal, halka South Africa ay ku jirto kaalinta 3aad, Soomaaliya ayaa liiskan ka soo gashay kaalinta 99-aad, waxaa lagu aadi karaa 32 dowladood oo qura.

Liiska Baasaaboorrada Ugu Awoodda Badan Dunida ee 2018

1. Japan: 189

2. Germany, Singapore: 188

3. Finland, France, Italy, Sweden, Spain, South Korea: 187

4. UK, US, Norway, Austria, Luxembourg, Netherlands, Portugal: 186

5. Denmark, Belgium, Switzerland, Ireland: 185

6. Australia, Greece: 183

7. New Zealand, Czech Republic, Malta: 182

8. Iceland: 181

9: Hungary, Slovenia, Malaysia: 180

10: Slovakia, Latvia, Lithuania: 179

Maandeeq FM

Related Articles

Close