CaafimaadkaWararkaWaxbarashada

Muuqaal… Dhakhtarad Caadeysatay Qoob Ka Ciyaar Xilliga ay Qalliinka Ku Fulineyso Bukaankeeda!

 

Dr. Windell Boutte oo ah dhakhtar qalliin ayaa waxey caado ka dhigatay iney music ku ciyaarto xilliga ay qalliinka ku jirto ee bukaanku miiska u saran yahay.

Jariidada Daily Mail ayaa sheegay Windell oo ka soo jeedda gobolka Georgia ee dalka Mareykanka ay waajahayso dacwado farabadan kadib markii la faafiyay muuqaal iyadoo hees qadaysa isla markaana ciyaaraysa xilli ay ku guda jirtay qalliin oo bukaan uu miiska u saarnaa!.

Sida ay jariidada u sheegtay muuqaallo dhowr ah oo laga soo duubay ayaa waxey muujinayaan Dr.Windell oo si heersare ah u ciyaaraysa oo aaney ka qasneyn xilli ay ku gudajirto qalliin, waxaa u shidnaa hees rap ah oo macnaha bayd ka mid ah uu yahay “Inaan gooyo ayaan ku dhawahay”, inta aaney furin caloosha bukaan miiska u saarnaa.

Qareen u doodaysay mid ka mid ah bukaanka dacwadda ku soo oogay Dhakhtaradda ayaa ku eedaysay in hab dhaqanka bukaanka ay kula dhaqantay aanuu wanaagsaneyn.

Waxaa la tilmaamayaa in Ojay Liburd oo 26 jir ah ay dacwad ku furtay Dr. Windell oo qalliin ku sameysay hooyadeed, waxey leedahay hooyaday ayey dhaawac halis ah u geystay dhanka maskaxda xilli ay ku sameyneysay qalliin qurxin ah oo baruurta caloosha ay uga jaraysay sanadkii 2016.

Liburd waxey sheegtay in wadnaha hooyadeed uu istaagay kadib markii 8 saacadood looga tagay miiska qalliinka, ” Waxey dooneysay iney ku qurxoonaato cambuurka arooska, laakiin hadda waxey u baahan doontaa qof daryeela inta nolosheeda ka dhiman.”

Maandeeq FM

Show More

Related Articles

Close