WararkaWaxbarashada

Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiga Sare oo Maanta Lasoo Afmeeray

Waxaa si rasmi ah loo soo gabagabeeyay Imtixaankii shahaadiga ee Dugsiga Sare oo jadwalkiisu uu maanta oo Khamiis ah ku ekaa.

Waxa ay maanta ardaydu u fariisteen Labadii maaddo ee ugu dambeysay ee imtixaanka midaysnaa ee “F4” oo kala ahaa Fiisigis iyo Juquraafi.

Isku day aan sameynnay oo aan kula xiriirnay madaxda Wasaaradda Waxbarashada XFS ayaa ay noo suuraggeli weyday inaan xiriirkooda helnno.

Si kastaba, Sanadkan ayaa waxaa imtixaanka u fariisatay ilaa 27,600 oo arday oo imtixaanka ka galay laga soo bilaabo Gaalkacyo ilaa Kismaayo, marka laga reebo magaalada Beledweyne oo daadad ku soo rogamay darteed loo joojiyay imtixaanka.

Maandeeq FM

Related Articles

Close