TiknoolojiyadaWararkaWaxbarashada

Madaxa Fulinta Microsoft oo Ka Hadlay Isbedello Baaxad Weyn oo Aadanaha Ku Soo Foolleh

Colud computing oo lagu daran internet-ka, waxaa habboon inaan ku fakarno in dunidu tahay sidii qalab computer ah oo weyn, waa sida uu qabo madaxa fulinta Microsoft Satya Nadella.

Satya waxa uu sheegay in aadanhuhu ay qarka u saran yihiin isbedello buuxa, maadama horumar degdeg ah laga sameynayo dhanka garaadka smarts-ka ah, waxa uu sheegay in loo diyaar garoobo isbedel baaxad weyn oo dunida ku soo foolleh.

Satya Nadella oo khudbad ka jeediyay magaalada London Talaaladii la soo dhaafay, ayaa waxa uu sharraxay in teknolojiyada digital-ka ah ay ku milmi doonto goor dhow nolol maalmeedka ilaa xad, taas waxey ka dhigan tahay ayuu yiri; in ay noo suuraggeli doonto inaan sidii computer oo kale aan u fakarno, waxa uu daaha ka rogay teknolojiyad cusub oo wax lagu duubayo oo si automatic ah qofka codkiisa u soo qabaneysa marka uu xitaa shirarka ku jiro.

Sida ay qortay jariidada “Mirror” ee dalka Ingiriiska ka soo baxda, Nadella waxa uu hadalkiisa sii raaciyay dhaqdhaqaaq kasta oo aadanuhu sameeyo in lala socon doono oo lagala socon doonto qalabka uu wato, arrintaas oo shirkadaha teknololajiyada u ogolaaneysa iney qofka xogo badan ka kaydiyaan, teknolojiyada digital ka ah wey ballaraneysaa si xoog badan meel kasta oo dunida ayey gaareysa iyadoo qof kastaa uu si sahlan ku gaari karo.

Nadella waxa uu yiri: “Waxa uu isbedelku ka dhici doonaa guryaheenna, shaqadeenn, goobaha loo damaashaadka tago, isbedelka inagu soo food leh waa mid aad u baaxad weyn, garaadka smarts-ka waxa uu keeni doonaa kacdoon dhanka daryeelka caafimaadka ah, waxa uu kaalin muuqata ka ciyaari doonaa horumarinta farsamooyinkii ugu dambeeyay, tusaale ahaan; gawaadhisa iskood isku kaxeeya, waxey aaladuhu aadanaha ka bedeli doonaan shaqooyinka isgaarsiinta, warshahadaha iyo xitaa shaqooyinka Bankiyada oo ay iyagu la wareegi doonaan.”

Nedella waxa uu caddeeyay in daahrogyada cusub loo baahan yahay in loo jiheeyo sida aan dooneyno, horumarka teknolojiyada annagaa sabab u ah annagaa sameynna, ayuu yiri, sidaa darteed waxaa la rabaa doorashooyinka aan haysanno iney xiriir la leeyihiin mabaa’diida akhlaaqda, waa wadada ugu wanaagsan ee lagu ballanqaadi karo mustaqbal wanaagsan, awood xoogga badan waa iney mas’uuliyadi la socotaa.

Maandeeq FM

Related Articles

Close