WararkaWaxbarashada

Maxaad Ka Taqaanna Gabowga Digital-ka?

Duqnimda digital-ka laga qaado ee loo yaqaanno “Digital aging” waa tilmaame sheegaya in qofka ay duqnimo usoo degdegtay oo cimridegdeg uu ku dhacay, kaas oo ka dhasha iftiinka buluugga ah ee ka soo baxa shaashadaha mobillada Smartphone-ka ah iyo computer-ka.

Iftiinka ayaa waxa uu gudaha u galaa haragga isagoo u geysta dhibaato aanuu ka soo kabsan karin; arrintaas oo dhinaceeda keenaysa cimridegdeg iyo qofkii oo si dhakhsiyo ah u duqooba.

Haddii aan si kale u dhigno, iftiinka buluugga ah ee aaladaha ka soo baxa waxa uu keenaa dildillaac gudaha unugyada ah, kaas oo burburinaya DNA, waxaa ka dhalaneysa maqaarkii oo duubma, midabkiisa oo isbedela iyadoo qalleyl uu ku dhacayo haragga.

Sidaas oo kale, waxa iftiinka buluugga ah uu weerar ku qaadaa xayndaabka difaaca dabiiciga ah ee haragga, arrintaas oo keenaysa iney burburto oo ay daciifto “Connective Tissue Fibres” ee muhiimka ah sida; Collage-ka, kadib haragga waxa uu luminmayaa jileeciisa, waana uu dabcayaa, waxa uu qofku waayayaa haraggii giijisnaa, kadibna waxaa ku dhacaya qalleyl.

Hadaba, si arrintaa looga hortogo khubardu waxey ku talinayaan in la cuno cunno ay ku badan tahay antioxidants-ka oo la dagaallanta dhibaatooyinka jirka soo gaara ee dillaaca unugyadu ay ugu horreeyaan, sidoo kale, waa inuu qofku cuno khudaarta, waana inuu nasiino fiican uu sameeyo inta karaankiisa ah, gaar ahaan xilliga habeenkii uu ka fogaado mobile-ka iyo computer-ka marka uu furaashkiisa kor jiifo.

Maandeeq FM   

Related Articles

Close