CaafimaadkaWararkaWaxbarashada

Talooyin Caafimaad oo Aad Kaga Dhowrsan Karto Harraadka iyo Gaajada Bisha Barakeysan ee “Ramadaan”

Iyadoo aan ku gudaha jiro bisha barakeysan ee “Ramadaan”, ayaa waxaa u baahannahay talooyin aan raacno, si aan u ilaashanno caafimaadkeenna cudurrada aan uga gaashaamanno.

Sida uu qoray Website-ka “Charismamag”, waxaa jira talooyin caafimaad oo ay tahay in raaco bisha Ramadaan, waxaa ka mid ah:

1: Inaad biyaha badsato afurka ka dib iyo xilli kasta oo ay fursaddu kuu saamaxdo ilaa suxuurta laga gaaro.

2: Inaad ku afurto 3 xabbo oo timir ah, si jirku uu ku helo sonkortii uu u baahnaa ee uu la’aa xilliga maalintii.

3: Inaad ku afarto mushaari si dhaqaaqa caloosha u sahlanaado si tartiib-tartiib ah.

4: In Afurka aad xilliyo kala go’ go’an  isticmaalsho si aadan u dareemin dibiro iyo calool xanuun.

5: Ka fogow cunnada saliiddu ku badan tahay iyo waxyaabaha shiilan, ku bedel khudaar iyo fruits.

6: Markaad afurto Labo saacadood ka dib jimicsi samee, si aad u caawiso dheefshiidka dibiradana aad uga takhaluusto.

7: Suxuurta dib dhig intii suuraggal ah si aadan u dareemin gaajo iyo harraad.

8: Cunnada aad suxuurta cuneyso waxaa waajib ah in vitaminnada, starches iyo calcium-ku ku badnaadaan, si aad ugu adkaysato soonka muddo dheer.

9: Xalwada iska yaree, ku bedelo cabitaanka dabiiciga ah iyo khudaarta, si aadan u cayilin oo aan baruur badani kuu korin.

10: Ka fogow cunnada ay milixdu (cusbadu) ku badan tahay, gaar ahaan xilliga suxuurta, si aanuu kuu qaban harraad xilliga aad sooman tahay.

11: Ka fogow cunnooyinka iyo cabitaannada fudud si aaney u saameyn caafimaadka jirka iyo habdhiska dheefshiidka.

12: Waxaa waajib ah in afurka uu yeesho ansalaato iyo khudaar kala duwan, waxa uu jirku ka helayaa caafimaad, quruxda haragaaguna u bilo.

Maandeeq FM

Related Articles

Close